Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jaaliyada DDSI ee Perth oo Si Maamuus Leh u Soo Sagootisay Waftigii uu Hogaaminayay Ku-xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha DFI oo Waayadan Booqasho ku Joogay Australia.

Perth(CN) Arbaco Sept 10th 2014. Waxaa waayadanba Cariga australia gaar ahaan Magaalada Perth ku sugnaa Wafti Heer federal ah oo uu hogaaminayay wasiir kuxigeenka wasaarada Macdanta iyo Biyaha DFI Dr Tedros iyo Uqaybsamaha Wasaarada agaasinka Sharciyada iyo Shidaalka kuwaasoo Booqasho hawleed ugu joogay islamarkaana kulamo kula yeeshay Jaaliyaadka ka soo jeeda 9ka Dawlad-deegaan ee dalku ka kooban yahay iyadoona ay Jaaiyada Soomaalida Itoobiya ay hormuud u ahaayeen jaaliyaadka ku sugan Australia.

Jaaliyada DDSI ee Galbeedka Australia gaar ahaan Magaalada Perth ayaa isku hawlay soo dhawayntii waftiga islamarkaana kaalin ka gaystay sidii ay Wufuuda ugu fududayn lahaayeen jadwalada Qaabilaada iyo iskudubaridka qabsoomida shirarka ay la qaadanayeen Qurbajoogta.

Hogaaminta Jaaliyada oo ay hormuud u ahaayeen Gudoomiyaha Jaaliyada Cabdisamad sooyaan,kuxigeenka Cabdulahi rayfal,xabiib Abshir iyo Guled aden ayaa Waftiga xiligii ay yimaadeen Qado-sharaf ugu sameeyay Magaalada iyagoona intaa ka dib kulamo la isku waydaarsanayay warbixinada Waxqabadka Xukuumada DDSI, Qorshayaasha Kobaca dhaqaale iyo heerka ay maanta taagan tahay Dawlad-wadaaga Itoobiya oo hiigsanaysa sanadaha soo socda in ay ku biirto wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.Sidoo kale waxa ay aad u falanqeeyeen Doorka ay Qurbajoogta ka soo jeeda DFI ee ku baahsan daafaha dunida uga qaybqaateen mashruuca dhismaha wayn ee Biyo-xidheenka ABBAY taasoo la isla qaatay in Qurbajoogta DDSI ay kaalin muuqata ka qaadatay taasoo ku dayasho mudan.

Hadaba waftiga heer federal oo ay u soo dhamaatay booqashadii hawleed ee ay ku joogeen Australia oo ay Dawlada iyo Qurbajoogtaba kala hadleen Fursadaha Maalgashiga, Horumarka iyo Horumarinta khayraadka dalka ayaa ka soo ambabaxay Garoonka diyaaradaha Perth iyadoona ka hor bixitaankoodii oo ay jaaliyada DDSI u diyaarsanayd soo sagootiska Waftiga uu hogaaminayay Dr Tedros ay kulan Dardaaran iyo tashi ay yeesheen iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen safiirka DFI u fadhiya Mr Arega iyo iyo Diplomat Jamaal oo ah kuxigeenka Safiirka halkaasoo ay jaaliyadu kala hadashay in ay Dawlada federalku taageero buuxda ka siiso deegaanka garab istaagida Xukuumada maanta iyo taageerada dhanka mashaariicaha horumarineed ee xawliga uga socda deegaan gaar ahaan kuwa federalku fuliyaan islamarkaana ay Waftiga iyo safiirkuba balan qaadeen.

Dr Teadaros iyo waftigiisa ayaa Balan ugu qabtay Addis-ababa dhamadka sanadkan in ay Hogaaminta Jaaliyada DDSI kulan ku wada yeeshaan iyadoona sida la sheegay ay kaga wada hadlidoonaan Dhismaha biyo-xidheenka iyo arimo kale.