Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Dhismaha Ururka Dhalinyarada SEDYO Finland Iyo Doorashada Gudiga Fulinta Ee Ururka Oo Kadhacay Wadankaas Finland.

Helsinki-Finland(CN) Khamiis-Sep-11-2014. Waxaa qabsoomay shirkii lagu soo dhisayay ururka dhaliyarada ee SEDYO Finland oo in muda ahba qabanqaabadiisu socotay, shirku wuxuu kadhacay Helsinki Finland  galalabnimadii maalintii sabtida ee lasoo dhaafay. Shirkan oo ahaa mid si habsami leh loo soo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid dhaliyarada wadanka finland kunool ee kasoo jeeda DDSI, dhalinyaradaaas oo garwaaqsatay in ay muhim tahay in lahelo urur dhaliyarada mideeya oo bulshada dal iyo dibadba u adeega.

Waxaa sidoo kale shirkan kasoo qaybgalay jaaliyada DDSI ee Finland oo uu horkacayo gudoomiye Maxamuud Ciwal oo madasha shirka kasoo jeediyay khudbad dhaxal gal ah oo dardaaran iyo guubaabo isugu jirtay. Waxaa isaguna markiisa hadalka qaatay gudoomiyaha cusub ee ururuka SEDYO Finland mudane Yusuf Axmed Maxamuud, oo ku
nuuxnuuxsaday faa,iidada iyo qiimaha ay leedahay in lamideeyo dhaliyarada oo maskaxdooda iyo waxtarkooda umada looga faa,iideeyo.

Gudoomiyaha oo hadalka sii watay ayaa aad u amaanay Dowlada Deegaanka Somalida Itoobiya ee uu hogaamiyo Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo waxqabad lataaban karo ku dhaqaaqday mudadii ay jirtay dhinacyada nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban, ooguna hanbalyeyay waxqabadka wanaag san ee uu kutalabsadey deeganku. Wuxuu kaloo Gudomiye Yusuf ka warbixiyey safarkiisii uu dhawaanta kutagatay deegaanka oo uu sheegay in uu so arkay horumar iyo isbadal wayn oo deegaanku gaadhay, maamul suuban, dib ucurasho iyo shaqaale utagan danta shacabka iyo meel sare inay gaadhaan.

Gudoomiyaha oo maamulka cusub kula dardaarmay hufnaan iyo cadaalad iyo howlkarnimo ayaa sidoo kale halkaasi kasheegay in laga hortago waxyaabaha dib udhac kukeenikara deegaanka iyo dalkaba, waana in dhalinta laga waaniyaa ayuu yidhi ururada xagjirka ah sida UBBO, Alqushaash iyo wixii la halmaala, waana layskuraacay in laladagaalamo dal iyo dibadba.

Waxaa shirkaasi lagu doortay gudigii fulinta ee uu ururku yeelan doono mudada 2 sano ah ee fooda inagu soo haysa, waana kuwan magacyada iyo xilalka gudigaasi fulinta ee Ururku doortay:-

Gudoomiye______________ Mudane Yusuf Axmad Mohamud
Kuxigeen________________ Mudane Jamiil Sheikh Mohamed
Xogahaye_______________  Mudane Zakariye Mohamed hala
Afhayeen________________ Mudane Amiin Dhaqane
Dhaqalaha_______________ Mudane Hanad Aadan
Madaxa mashariicda_______ Mudane Maxamad Cabdi Tarax
Xidhiidhiye_______________ Mudane Mohamed Hassan Arab Cobale

Ururka dhalinyarada SEDYO ayaa sida la ogsoonyahay kaalin muhiima kaga jira kaqayb qaadashada hawlaha nabagalyada, horumarka iyo maamulka suuban ee kasocda Deegaanka Soomaalida Itoobiya.