Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Sanadka Cusub Ee 2007 Tirsiga Taariikhda Itoobiya Oo Dhamaan Dalka Looga Dabaal Dagayo.

Jigjiga(CN) Khamiis-Sep.11-2014, dhamaan dalka Itoobiya ayaa looga dabaal dagayaa sanadka cusub ee 2007, waxaana maanta oo ay taariikhda sanadka cusub ahayd 1 bisha Maskarem ay damaashaad iyo farxad badan ka muuqatay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulsha waynta Itoobiya.

Sanadkan cusub ee 2007-da ayaa noqonaya sanad loo diyaar garoobayo qorshaal waawayn oo dalka u yaala kuwaas oo diirada saaraya isbadalka dhaqaalaha iyo horumarka dalka Itoobiya, iyadoo uu wakhti xaadirkan dalku kutalaabsaday istaraatijiyado isbadal ka qaatay dhanka dhaqalaha iyo horumarka.

Sidoo kale sanadkan 2007-da ayaa noqonaya sanadka uu ku dhamaanayo qorshihii 5ta sano ee isbadalka iyo kobaca dhaqaalaha (GTP), islamarkaana waxaa sanadkan dalku u diyaar garoobayaa qorshayaal waawayn oo bilow ah kuwaas oo beegsanaya (targeedsanaya) isbadalada horumarka iyo dhaqaalaha ee wadanka.

CakaaraNews waxay leedahay dhamaan bulshawaynta Itoobiya Hanbalyo Hanbalyo Sanadka Cusub ee 2007-da.