Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI oo Cafis u Fidiyay in ka Badan 200 oo Maxbuuus Lagana Sii Daayay Xabsiga Dhexe ee MMJ.

Jigjiga(CN) Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Cafis u fidiyay maxaabiis tiradoodu kor u dhaafayso200 oo Maxbuus kuwaasoo faldanbiyeedyo kala duduwan ugu xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada Jigjiga.maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa u badnaa dhalinyaro ay UBBO maskaxda ka xaday kuna hubaysay Aragti ma dhalays dhaan daban-gaale ah oo aan la jaanqaadi karin isbedelada iyo Horumarka ay Dunidu ku talaabsatay iyo itoobiyada maanta ee Dimoqraadiyada, Sinaanta, Cadaalada,Walaalnima iyoAqoonsiga Xuquuqaha Dastuuriga ah ee Qowmiyadaha ku dhisan.

Ma aha markii ugu horaysay ee Madaxwaynaha DDSI uu cafis u fidiyo dadka loo soo xidho falal lid ku ah Dastuurka Dalka iyo Deegaanka ee ay ka midka yihiin Dhalinyarada hubaysan ee xambaarsan Aragtida UBBO,kuwa taageerayaasha u ah iyo kuwa loo yaqaan igula Guji ee qori ismariska ah.

isku soo wada duuboo Madaxwaynaha DDSI oo ka duulaya Jadwalka ay Gudiga Nabadgalyada iyo Anshaxu u soo Gudbiyeen ayaa xoriyadoodii u soo celiyay maxaabiis ka badan 200 iyadoo Bishii shuwaal ee la soo dhaafayna laga sii daayay Jeelka Dhexe maxaabiistii ugu badnayd oo ay tiradoodu gaadhaysay ilaa 2000.