Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Midawga Yurub oo Mar 2aad Cunaqabatayn Saaray Moscow(Ruushka)

Brusells(CN) Sabti Sept,13,2014.Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in cunna qabateynta ay midowga Yurub sareen dalkiisa ay u muuqato mid lagu curyaaminaayo hannaanka nabadda ee ka socda dlka Ukraine. Cunna qabateynta midowga Yurub ayaa qeyb ka ah dadaal wada jir ah oo Mareykanka uu horkacayo oo Ruushka lagu ciqaabayo, kaddib faragelin militari oo uu ku sameeyay Ukraine.

Mareykanka ayaa qeyb kaloo cunna qabateyn ah saaray Ruushka, wuxuuna bartilmaameed saday bangiyada ugu waaweyn ee Ruushka iyo soosaaridda saliideeda. Sidoo kale, US waxa ay mamnuucday shan shirkadood oo dhanka amniga ka shaqeeyo oo Ruushka laga leeyahay. Xukuumadda Moscow ayaa ku mashquulsan sidii ay heshiis u dhexdhigi lahayd mucaaradka gooni u goosad ka iyo dowladda Ukraine.

tallaabadii ugu horeysay ayaa dhalisay in xabadjoojin ay ku heshiiyaan labada dhinac, taas oo fudeysay in gargaar la gaarsiiyo koofurta bari ee dalka Ukraine oo ah meesha uu dagaalka ka socday.