Shirkii Golaha Dhexe Ee XDSHSI Oo Maanta Labadii Galinba Socday Iyo Go'aamadii Kasoo Baxay.

Jigjiga(CN) Axad-Sep-14-2014, Shirkii Golaha Dhexe ee XDSHSI ee maanta labadii galinba kasocday xarunta magaalada Jigjiga ayaa galabta wakhti gaaban lasoo gabagabeeyay.

Golaha Dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya ayaa maanta shirkan go'aamiyay xubno lagaasaray guddigii fulinta iyo xubnihii kadhinaa guddiga fulinta oo labuuxiyay.

Kadibna Golaha dhexe ee xisbigu wuxuu go'aamiyay in laqabto shirwaynihii caadiga ahaa ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya, kaasoo loo xilsaaray guddigii qaban qaabada shirka xisbiga oo ka koobnayd 9 xubnood.