Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Golaha Capinetka DDSI Oo Maanta Kulan Dardar Galin Ah Kuyeeshay Xafiiska Madaxwaynaha.

Jigjiga(CN) Isniin-Sep-15-2014, Golaha Capinetka Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta kulan ku yeeshay xafiiska madaxwaynaha halkaas oo lagaga hadlay ajendayaal dardar galinaya hawlaha sanadka cusub ee 2007-da iyo sidii loo beegsan lahaa targetka qorshayaasha 2007-da.

Golaha capinetka DDSI ayaa ka hadlay dhinacyadii kaga aadanaa go'aamadii shalay kasoo baxay shirkii golaha dhexe ee XDSHSI wuxuuna goluhu cod buuxa kusoo dhaweeyay go'aamadaasi kasoo baxay golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya.

Sida lawada ogsoonyahay qorshayaasha horumarineed ee sanadkan deegaanka u yaala ayaa ah kuwo baaxad wayn islamarkaana ladoonayo in rubaca 1aad iyo rubaca 2 aad lagu dhamaystiro guud ahaan mashaariicaha waawayn ee sanadkan qorshaysan, wuxuuna madaxwayne Cabdi Maxmuud Cumar sheegay in ladardargaliyo adeega shacabka iyo shaqooyinka horumarka si loo gaadho yoolasha la hiigsanayo ee isbadalka iyo horumarka deegaanka iyo dalkaba.