Ururka dhalinyarada SEDYO-Sweden oo Shir Ka Dhacay Sweden Kaga Warbixiyay Socdaalkoodii Dhawaan ay Kaga Soo Laabteen DDSI.

Sweden(CN) Arbaco Sept,17,2014.Xaflad heer sare ah oo ay si wayn u sooagaasimeen Ururka Dhalinyarada Sedyo-Sweden ayaa ka dhacday Sweden taasooy ka soo qaybgaleen Qunsulka Itoobiya u fadhiya Swden Mudane Xuseen Axmed, Hogaaminta Jaaliyada,Qurbajoogta Ururada Bulshada ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya,Qowmiyadaha kale ee DFI,Marati sharaf iyo masuulyiin.

Hogaaminta Dhalinyarada ayaa xafladan uga gol-lahayd sidii ay Qurbajoogta ugu soo jeedin lahayeen warbixin ku saabsan socdaalkii ay dhawaan ku tageen DDSI sida dhinacada isbedelada Horumarka, N/galuyada, Maamulka suuban,maalgashiga iyo kobaca dhaqan dhaqaale ee uu deegaanku ku talaabsaday 4tii sano ee ugu danbaysay.

Ururka Dhalinyarada SDYO Sweden Ayaa Waxey Halkaasi si dheelitiran oo ku sar-go'an dadaalkii hagar la'aaneed ee ay xukuumada maantu kaga jawaabtay baahiyihii shacabka,Ciidamada Geesiyiinta Liyuupolice sidii ay shacabweynaha Deegaanka uga samato-bixiyeen Dibindaabyooyinkii UBBO iyo Xuduudaha,Qaab-shaqeedka adeeg-bixinta qaabdhismeedyada Dawlada, barnaamijyada la dagaalanka saboolnimada, Gaajada,jahliga ee bulshada loogu abuurayo Fursado shaqo iyo kobac dhaqaale.

Hogaaminta ururka dhalinyarada Sedyo-sweden ayaa sharax dheer ka bixiyay warbixinta waxqabadka iyo isbedelada baaxada wayn ee ay xukuumada maantu Guntiga u xidhatay mudadii ay hogaanka haysay sidoo kalana ay ugu dhabar adaygtay dhamaanba jalaafooyinkii kaga imaanayay Shaqsiyaadka danaha Gaarka ah leh,Aratida qabiilka,Musuqa,Aragtiyaha Cidhiidhyoon iyo kuwo kalaba iyagoona sheegay in ay Deegaanka ku soo arkeen Horumarka laga gaadhay waxbarashada, Caafimaadka, Jidadka, Biyaha,Isgaadhsiinta iyo Beeraha islamarkaana ay ku Soo Arkeen Tuulooyinka Deegaanka oo Ka Furan Xaruumo Cafimaadka oo Dhaxyaala Gaadiidka Adeega Gurmadka Degdega ah Ambulanska Taaso aad uu Farax Galisay in ay ku soo Arkaan Tuulooyinka Adeegyada Caafimaad ee Xukumada DDSi Ay ka Hirgalisay.

Sidoo kale Dhalinyarada ayaa mar ay ka hadlayeen Dhanka Waxbarasho iyo nidaamka baris-barasho ee ka jira Deegaanka in ay soo arkeen Waxbarashada la wareegta Reer-Guuraaga Reer Guuraga Xoola Dhaqatada ah oo ay la socdaan Barayaashii waxbari lahaa taasooy xukuumadu ugu talogashay in ay waxbarashada gaadhsiiyaan Guri ilaa Guri ka mida DDSI miyi iyo Magaalaba si jahliga bulshada looga saaro.

Ururka Dhalinyarada SDYO Sweden ayaa intaa ka dib ugu Baaqay jaaliyadda DDSi ee Reer Sweden in ay Taageeraan Isbedelada Dhaxalgalka ah,Horumarka,Maamulka Suuban iyo Ciidamada Geesiyada Liyuupolice ee Sugay xasiloonidii Deegaanka ee ay xukuumada maantu mudo gaaban ku hirgalisay kuna Garab Istaagaan Nabad-galyada,hormarka,Midnimada iyo Maamulka Suuba.

n Dhanka kale Mudane Xusen Axmed Cumar oo Ah Qunsulka Itoobiya u Fadhiya Dalka Sweden oo Halkaasi Warbixin ka Soo Jeediyay ayaa dhalinyarada uga mahadnaqay Dadaalkooda ay mar walba hawlaha Qaranka itoobiya kaga qayb qaataan gaar ahaan garab istaagida Xukuumada DDSI sheegayna in Itoobiyada Cusub ee Maanta Hogaanka Haysa ka sakow fursadaha Dimoqraadiyadeed ee ay ka heleen qowmiyadihii la cadaadin jiray in ay Fursado Weyn ay ka Heleen Qurbajoogta taasoo loo fudadeyay Dhanka maalgashiga iyo Canshuur Dhaafka iyo sheerka biyo Xidheenka Abay oo Fursado Dahab ah in ay ka Faaideystaan taaso ay la soo Xidhiidhi Karaan Safarada itoobiya ee ku leedahay Sweden Taasoo lagu Sharaxayo Dhamaan Fursadaha Maalgashi ay ka Jira Dalka