Nin dib u helay gaadhi laga xaday 46 sano ka hor

Nin ku nool magaalada Miami ee dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu dib ula wareego gaadhi laga xaday 46 sano ka hor.

Gaadhiga ayaa ah nooca Sboortiga ah ee lagu magacaabo Jaguar. ninka gaadhiga asal ahaan u lahaa ayaa lagu magacaabaa Ivan Schneider, islamarkaana ahaa qareen da' yar oo ku nool magaalada New York xiligii laga xaday baabuurkani sanadku markuu ahaa 1968-dii.

Gaadhigan ayaa xilliga la xadayay yaallay meel dibedda ka ah guriga uu Ivan ka degganaa magaalada Newyork. Waxaa baabuurkaasi la helay bishii lixaaad ee June ee sanadkan xilli baadhitaan lagu sameeynayay baabuur Maraykanka laga dhoofinayey oo loo waday dalka Netherlands.