Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wacyigalin ku Saabsan Barnaamijka Cad-cadaanta iyo isla Xisaabtanka Miisaaniyada oo loo soo Gabagabeeyay Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Siti.

Shiniile (CN) Isniin sep 22. 2014  Xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI waa mishiinada ugu waawayn ee haga qul qulka calagaha miisaaniyadaha deegaanka, wuxuuna  dadaal dheer oo wahsi ka reeban yahay ugu jiraa hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee u yaala deegaanka. wuxuuna jiheeyaa  habraacyada  hayaanka meelmarinta jihooyinka horumarineed ee loogu talagalay miisaaniyadaha deegaanka, degmooyinka iyo maamulada magaalooyinkaba. isaga oo  xafiisku xilka saaran yahay shaacinta tilmaamida dabagalka miisaaniyadaha deegaanka.
Haddaba waxa uu xafiiska maalmahan ka waday gobolka siti wacyigalin ku qotonta barnaamijka cad-cadaanka iyo isla xisaabtanka miisaaniyada (Financial Transparency & Accountibility (FTA) taasi oo dhamaan qaybaha bulshada ee kala duwan loogu soo bandhigayo  sidii  fahan durugsan  looga siin lahaa Ka  qaybgalka diyaarinta qorshaha iyo Miisaaniyada isla markaana loo dardar galin laahaa Cadd-caddaanta & Isla-xisaabtanka Miisaaniyada.
Waxaana gabagabadii barnaamijka wacyigalinta cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka ee laga waday gobola siti ka qayb galay agaasinta iskuduwaha barnaamijka  cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka ee xafiiska maaliyada iyo horumarka dhaqaalaha DDSI  mudane Nuur Cawil Muxumed wuxuuna sharax dheer uga bixiyay qaybaha kala duwan ee bulshada ahmiyada uu leeyahay barnaamijka cad cadaanta iyo isla xisaabtanka shaacinta miisaaniyadaha  doorka ay ku leeyihiin hirgalintiisa qaybaha kala duwan ee bulshadu. Wacyigalintan oo laga hirgalinaya dhamaan gobolada deegaanka ayaa waxa hadda si habsamiya loogu soo bagagabeeyay degmooyinka gobolka siti waxayna qaybga kala duwan uu bulshada hoosta  ka xariiqeen in ay fahan buuxa ka qaateen wacyigalintan islamarkaana si mug leh uga qayb qaadanayaan hirgalinta barnaamijkan.