Mudane C/xakiim Cigaal Cumar Oo Kahadlay Horumarka Iyo Nabadgalyada DDSI.

Jigjiga(CN) Arbaco Sep.24.2014, Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka mudane C/xakiim Cigaal Cumar ayaa maanta waraysi uu siiyay shabakada CakaaraNews wuxuu sheegay madaxwayne kuxigeenku in horumarka iyo nabadgalyada DDSI lagasoo hoyiyay guulo aad u waawayn oo lagu gaadhay natiijada maanta shacabka u horseeday naacawda horumarineed ee ay ku naaloonayaan.

Madaxwayne kuxigeenka Mudane C/xakiim Cigaal oo hadalka sii watay ayaa yidhi " Sidaas awgeed waxaan cadaynaynaa in aanaan marnaba raali kanoqonaynin dhamaan ficilada la isku dayayo in lagu carqaladeeyo horumarka iyo nabadgalyada uu maanta shacabku haysto."

Wuxuuna madaxwayne kuxigeenku si aad u kulul ula hadhay una cambaareeyay nabad-diidka, horumardiidka iyo dadka aaminsan fikirada dulsaarnimada ah ee ka xun heerka uu maanta marayo DDSI.

Sidoo kale wuxuu aad u amaanay go'aanka guddiga qaban qaabada shirwaynaha 8 aad ee XDSHSI, kaasoo laba toddobaad kadib lagu qabanayo magaalo madaxda gobolka Nogob ee Fiiq.