Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wafti uu Hogaaminayay Safiirka Dalka Shiinaha u Fadhiya Itoobiya oo Maanta ay Si Heer Sare ah ugu Soo Dhaweeyeen Garoonka Wiilwaal Madaxwaynaha DDSI iyo Xukuumadiisa.

Jigjiga(CN) Arbaco sept,24,2014.Waxaa maanta ka soo degay gagida diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada jigjiga wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Safiirka wadanka China u fadhiya itoobiya iyadoona ay si heer sare ah waftigan ay garoonka Diyaradaha ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayeen Afhayeenka Golaha Baarlamaanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq,madaxwayne ku-xigeenka ahna wasiirka Hawlaha Guud iyo Horumarinta magaalooyinka mudane C/xakiin Cigaal Cumar,madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudan Mawliid Hayir,wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Axmed maxamed shugri iyo masuuliyiin kale oo isugu jirtay Capintetka.

Xukuumada oo waftigan u soo galbisay magaalada ayaa lagu soo wareejiyay goobaha laga hirgaliyay mashaariicaha waawayn ee caasimada deegaanka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Meles Memorial Referal Hospital,Kuliyadaha,Jaamacada iyo mashaariicaha Biyaha ee ay Shirkadaha shiinaha laga leeyahay ka wadaan magaalada jigjiga.

Fiidnimadii caawa ayaa uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Xafiiskiisa ku qaabilay iyadoona ay dhanka Xukuumada ku wehelinayeen Afhayeenka Baarlamaanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq iyo labada madaxwayne ku-xigeen ee kala ah mudane C/xakiin Cigaal Cumar mudane Mawliid Haayir.

Madaxwaynaha oo si diiran ugu soo dhaweeyay waftiga safiirka ayaa warbixin ka siiyay xaaladaha guud ee Deegaanka sida Fursadaha maalgashi,khayraadyada kala duduwan ee alle ku manaystay DDSI,ganacsiga iyo xidhiidhka iskaashi ee wadanka Shiinaha iyo itoobiya ka dhaxeeya kaasoo sii xididaysanaya.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa sharax ka bixiyay mashaariicaha ay shirkadaha shiinuhu ka hirgaliyeen Deegaanka iyo kuwa hada ay gacanta ku hayaanba. Booqashada waftigan ayaa ku wajahan iskaashiga iyo maalgashiga Deegaanka maadaama hada ka hor ay wufuud ka socota DDSI oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI ay dhawr jeer booqasho ku tageen Dalka shiinaha kalana soo xaajoodeen dhismaha warshada Sonkorta Godey iyo mashruuca Bariiska ee Gobolka Shabeele.

Safiirka ayaa aad uga mahadceliyay sidii diiranayd ee loo soo dhaweeyay isaga iyo waftigiisa islamarkaana ka faalooday in dalka itoobiya uu ka dhaxeeyo xidhiidh iskaashi iyo ganacsi Qotodheer taasoo sii xoogaysanaysa sanadahan danbe dDawlada shiinuhuna rabto in ay siibalaadhiso maalgashiga ay ka wadaan dalka iyo Deegaankaba.

Lla soco wixii faahfaahin dheeriya ee ka soo baxa kulamada waftiga iyo xukuumadu yeeshaan anagoona idiin soo gudbin doona.