Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxa Xarunta Dhexe Ee XDSHSI Oo Kahadlay Geedi Socodka Shirwaynaha 8aad Ee XDSHSI.

Jigjiga(CN) Sabti.Sep.27.2014, Guddoomiyaha gudiga qaban qaabada shirwaynaha 8aad ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya, ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI Mudane C/casiis Maxamed Cabdi ayaa wuxuu sheegay in uu si heer sare ah u socdo diyaar garowgii shirwaynaha 8aad ee xisbiga oo kadhici doona maal maha fooda inagu soo haya xarunta gobolka Nogob ee Fiiq.

Shir ay maanta yeesheen dhamaan gudiyada kala duwan oo lagu qiimaynayay geedi soodka shirwaynaha ayaa la cadeeyay in ay halwluhu si fiican u socdaan.

Mudane C/casiis Maxamed ayaa sheegay in lafilayo in ay marti sharafta imaatinkoodu bilaabmato 22 ilaa 23 bishan meskeram ee haatan lagu jiro. Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu sheegay marti sharafta lagu macsuumay shirka ayaa sidii horayba caadadu u ahayd lafilayaa in ay kasoo qayb galaan dhamaan ururada aan bahwadaagta leenahay dowlad deegaanada oo ah ururada talada haya.

Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay ugu yaraan dad kor u dhaafaya 2000 oo qof ay kasoo qayb galayaan shirka islamarkaana ay xooga saareen jiifka, cuntada, biyaha iyo hoolka shirwaynaha.

Ugu danbayn waxaa uu gudoomiyaha gudiga ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane C/casiis Maxamed ayaa sheegay in ay Ilaahay ka rajaynayaan in uu qorshuhu sida loogu talagalay ugu socdaan.