Tababar Ku Saabsan Kobcinta Awooda Afhayeenada Baarlamanka Iyo Gudiyada Joogtada Ah Ee Degmooyinka Iyo Maamul-magaalooyinka Oo Maanta Ka Furmay Hoolka Shirarka Ee Xafiiska Arimaha Haweenka DDSI.

Jigjiga(CN) Axad.Sep.28.2014, Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska baarlamaanka DDSI ayaa waxa uu ku  qotomaa doorka ay golaha xildhibaanada  heerar-kooda kala duwan ay ku leeyihiin hirgalinta iyo kor u qaadida horumarka iyo maamulka suuban, meeqaamka sharci ee nidaamka doorashooyinka, doorka ay golayaasha deegaanku ku leeyihiin kor u qaadida koboca dhaqaalaha iyo dimuqoraadiyada.

Tababarkan oo loo qabtay afhayeenada golaha baarlamaanka iyo gudiyada joogtada ah ee degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qayb-galay afhayeenku xigeenka golaha baarlamaanka DDSI mudane Cabdi Cabdilaahi  iyo madaxa xafiiska golaha baarlamaanka DDSI mudane Ibraahin Maxamed, khabiiro iyo hawlwadeeno ka socday xafiiska baarlamaanka DDSI.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay furitaankii tababarkan afhayeen ku xigeenka golaha baarlamaanka mudane Cabdi cabdilaahi wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarka oo uu sheegay in ay tahay in golayaasha xildhibaanada lagu tababaro fahan buuxa laga siiyo doorka ay xildhibaanadu ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka, xoojinta iyo sii dar-dargalinta maamulka suuban, doorka ay ku leeyihiin golayaasha xildhibaanadu habsami u dhicitaanka doorashooyinka, Macnaha iyo sifooyinka doorashooyinka.
Isaga oo sii wada hadalkiisa afhayeen ku xigeenku ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay  micnaha erayga maamulka suuban iyo ku dhaqankiisa  isaga oo sheegay in uu yahay halbeega caalami ee  lagu cabiro nidaamka lagu fuliyo hawlaha qorshayaasha horumarineed iyo heerka waxqabadka fulinta  hawlaha maamulka suuban. Marka lagu saleeyo dhismaha nidaamka dhaqaalaha siyaasada arimaha bulshada iyo ku dhaqanka cadaalada.

Sidoo kale waxa uu tibaaxay noocyada nidaamka la xidhiidha  doorashooyinka ama cod-bixinta ee ku aadan jaran jarooyinka kala duwan ee qaabdhismeedyada dawlada  wuxuuna ugu banbayntii si mug leh ugu booriyay ka soo qayb galayaasha tababarkan in ay mudada uu socdo si qoto dheer uga faa-iidaystaan.

Waxaa kale oo isaguna ka hadlay furitaankii tababarkan madaxa xafiiska golaha baarlamaanka DDSI mudane Ibraahin Maxamed wuxuuna ka warbixiyay jihooyinka qorshayaasha horumarineed ee xafiiska u yaala iyo doorka ay golayaasha deegaanku ku leeyihiin ka midho dhalinta horumarka, dimuqoraadiyada iyo maamulka suuban, habka ku shaqaynta horumarineed ee xuquuqaha ku salaysan (right based approach to development).

Ugu banbayntii, ma aha markii ugu horaysay ee uu xafiiska baarlamaanku qabto tababaro noocan oo kale ah ee waxa uu tababaro badan uu horey ugu qabtay xildhibaanada golayaasha degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka kuwaasi oo kor loogu qaadayo garaadka golaha xildhibaanada iyo doorka ay golayaasha xildhibaanadu ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarineed iyo maamulka suuban. waxaana tababarkan maanto ka furmay jijiga oo  socondoona muda 3 maalmood ah ayaa waxa cashiradiisa bixinaya khabiiro ka socda xafiiska golaha baarlamaanka DDSI.