Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulliyada Farsamada Xirfadaha Iyo Tababarada Ee Qabridahar Oo Ay Dufcadii Ugu Horaysay Ka Qalin Jabisay.

Qabdahar(CN) Isniin.Sep.29.2014, Xukuumada DDSI ayaa 4tii sanno ee ugu danbeysay dadaadaalo balaadhan oo wahsi ka reeban yahay ugashay sidii deegaanka looga hirgalin lahaa horumar taam ah, xasiloonu buuxda, kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo abuurida illaha shaqada. Waxayna su buuxda u meelmarisay xukuumadu qorshayaasha ladagaalanka jahliga iyo saboolnimada oo hore u naafeeyay shacabka deegaanka. 

kuliyada Qarbidahar oo ah kuliyad cusub oo hada ku soo biirtay kuliyadihii hore ee ka jiray deegaanka ayaa ah mid ku timiday dadaalka xukuumadu ugu jirto dabar go’ynta iyo la dagaalanka jahliga waana taasi ta keentay in ay maanta dheeftiidii ugu horaysay dhan dhamiyaan shacabka ku dhaqan gobolka qoraxay iyo nawaaxigiisa iyada oo u balaadhan uga qayb qaadan doonta hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee ka socda deegaanka.

Haddaba waxaa shalay ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada qabridahar xaflad si aad u qurux badan lo agaasimay oo ay ku qalin jabinayeen dufcadii 1aad ee ka qalin jabisa kuliyadan. Xafladan qalin jabinta oo ku dhacday jawi aad u qurux badan oo uu meeqaamkiisu sareeyo ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka xafiiska Tababarada, Xirfadaha iyo Farsamada DDSI mudane Abuukor Maxamed, maareeyaha kuliyada farsamada xirdahada iyo tababarada Qabridahar mudane Cabdixamiid Sheikh Yuusuf. Masuuliyiinta ugu saraysa gobolka qoraxay  oo uu ka mid yahay  gudoomiyaha gobolka mudane Yuusuf Aadan yuusuf ku simaha maayorka maamulka magaalada qabridahar mudan Rudwaan Axmed, odayaasha, waalidiinta asaxaabta ardayda qalinjabinaysa iyo waliba marti sharaf kale.

Waxaana  ugu horayntii  xafladan khudbad dheer ka soo jeediyay maareeyaha kuliyada farsanada xirfadaha iyo tababarad Qabrihadar mudane Cabdixamiid Sheikh Yuusuf isaga oo ugu horayntii si diiran ugu hanbalyeeyay ardaydii qalinjabinaysay una mahadceliyay masuuliyiinta kale duwan ee ka soo qayb galay xafladan ayaa waxa uu ka warbixiyay ahmiyada ay kuliyadan ku leedahay shacabka ku dhaqan gobolka qoraxay iyo guud ahaanba
deegaanka DDSI.

Waxaana maareeyaha ka mid ahaa hadaladiisii "Mud/mar-waxaa maanta farxad wayn noo ah in aan siwada jir ah u xusno xafladan qalinjabinta ee kulliyadii ugu horaysay ee laga aasaaso magaalada Qabridahar dufcadeedii koobaad, waxaa kale oo ay kulliyadani noqonaysaa kulliyadi labaad ee noocan ah ee  shaqaynaysa ee deegaankeena laga yagleelo.”

Isaga oo maareeyuhu hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu si durugsan uga warbixiyay dadaalada balaadhan ee ay xukuumadu ugu jirto horumarinta iyo adeeg hufan siinta shacabka deegaanka islamarkaana ay si dhakhso ah uga wado qorshayaasha horumarineed ee ay ka mid ahaayeen  aas aaskii iyo hirgalinta kuliyadan maanta ay ka qalin jabinayaan dufcadii ugu horaysay.

Waxaa kale oo uu maareeyuhu ka waramay culuunta noocyadeeda kale duwan ee ay kuliyadani fidiso ilaa wakhtigii la aas aasay isaga oo sheegay in lagu bilaabay wakhtigii ugu horaysay tababarada ay siin jirtay xirfadlayaal laga soo xulo iskaashatooyinka ka hawlgala maamulka magaalada Qabri dabar.

Wuxuuna sheegay in ay maanta ka qalin jabiyeen arday dhan 110 arday oo ay dumar yihiin 83, kuwaasi oo ka qalin jabiyay barashada cilmiga ICT, Xidhiidhinta laydka (building electrical installation), Samaynta looxaanta ama faaradaha(furniture making), Isugaynta biraha iyo alxankooda(GMFA), Darawalnimada (auto driving) iyo Dhismaha (masonary and blustering). Ugu danbayntii waxa uu mareeyuhu si mug leh ugu booriyay qalin jabiyayaasha in ay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan hawlaha horumarka xawliga ah ee ka socda
deegaanka.

Dhankooda masuuliyiintii ka soo qayb galay xafladan ayaa ka warbixiyay guulaha horumarineed ee ay xukuumadu soo hooysay sida dhakhsaha leh ee ay uga  midho dhalisay meelmarinta jihooyinka hayaanka geedi socodka qorshayaasha horumarineed ee u yaala deegaanka iyo dalka.

Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka oo iyaguna ka hadlayay madashaasi ay ka dhacaysay qalin jabintu ayaa ka warbixiyay sida diiran ee ay ugu faraxsan yihiin guulahan horumarineed ee ay u soo hoysay xukuumada  waxayna hoosta ka xariiqeen an ay tahay kuliyadani, mid waayo badan ay shacabka gobolu u oomanaayeen helitaankeeda. Balse ay maanta si wayn uga haqab tirtay kuliyadani xirfadaha ay mudada badan
sugayeen. Waxaana ugu danbayntii xafladan lagu gudoonsiiyay abaalmarino ardaydii gashay kaalmaha hore.