Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI oo maanta Dhibicdii ugu Horaysay Ololaha Talaalka Dabaysha wareegii 11aad.

Jigjiga(CN) Isniin Sept,29,2014.Waxaa guud ahaan Deegaanka maanta si rasmi ah uga bilaabmay ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha (Polio) ee naafeeya Caruurta hadii aanay waalidku ugaga faaiidayn talaalida ilmahooda ee ay wasaarada caafimaadku la garab taagan tahay.

Hadaba magaalada jigjiga oo ka mid ah goobaha talaalku ka bilaabmay ayaa waxaa dhibicdii ugu horaysay ku dhibciyay qaar ka mid ah caruurtii la keenay goobaha uu talaalku ka socdo Wasiir kuxigeenka wasaarada Caafimaadka DDSI mudane C/fataax Siciid. isagoona uu wasiirku kula dardaarmay hawlwadeenada Caafimaadka ee ku hawlan Talaalida caruurta da'doodu ka hoosayso 5 sano in ay guri kasta oo caruurta gaadhay 5jir iyo wixii ka hooseeya ay ku nool yihiinba ugu geeyaan Talaalka Cudurka naafeeyaha ah ee Dabaysha sidoo kalana waalidka kula dardaarmay in ay caruurtooda uga faaiideeyaan talaalkan aan wax lacag ah lagu bixinayn si ay uga badbaadiyaan in uu asiibo Cudurkan kala dhantaali kara laxaadka ubadka.

Mudane C/fataax siciid ayaa intaa ku daray in ololaha talaalkan oo ka socda guud ahaan 9ka-Gobol,68da Degmo iyo 4ta maamul magaalo in ay kaalin xoogan ka qaadanayaan Ciidamada Gaarka ah ee Liyuupolice kuwaasoo Tuulo kasta iyo goob kasta u balanqaaday shacabka in ay ku gaadhsiiyaan.