Wafti Marti Sharaf Ah Oo Kasocda Xisbiyada Talada Haya Ee Ay Bahwadaagta Yihiin XDSHSI Oo Maanta Soogaadhay Jigjiga.

Jigjiga(CN) Khamiis.Oct.02.2014, Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Jigjiga waftigii ugu horeeyay ee kasocday ururka EPRDF iyo xisbiyada talada haya ee deegaanada oo ay bahwadaag yihiin XDSHSI, si ay ugala qaybqaataan shirwaynaha 8aad ee xisbiga dimuqraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya oo kadhacaya magaalada Fiiq ee xarunta gobolka Nogob.

Gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq ayaa sidii caadadu ahayd ku martiqaaday in ay kasoo qayb galaan shirwaynaha xisbiga marti sharaf badan oo ay kamid yihiin ururka EPRDF iyo xisbiyada talada haya ee deegaanada dalka, kuwaas oo waftigii ugu horaysay ay maanta soo gaadheen magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI.

Xogaha nagasoo gaadhaya dhinaca xarunta dhexe ee XDSHSI ayaa sheegaya in ay ugu danbayn ilaa barito ay soo gaadhayaan Jigjiga dhamaan waftiyada marti sharafta ah ee lagu macsuumay shirwaynaha xisbiga oo golihiisu diyaar ku yahay magaalada Fiiq.