Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Kahadlay Ciida Carafada Hanbalyona U Diray Dhamaan Muslimiinta Dalka Iyo Caalamka.

Jigjiga(CN) Jimce.Oct.03.2014, Madaxwayanaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hadlay Ciida Carafada  isagoo sheegay in laga faa'iidaysto fadliga ciida ee ah isjacaylka iyo naxariista, dhamaan muslimiinta dalka iyo caalamkana u diray hanbalyo iyo salaan.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inay ka faa'idaystaan dhamaan walaalaha muslimiintu khayrka iyo fadaa'isha ku jirta munaasibada Ciida Carafada islamarkaana lacaawiyo dadka masaakiinta ah iyo dariska oo farxada lawadaago. Sidoo kale madaxwaynuhu wuxuu sheegay inuu Allaah uga rajaynayo naxariis, dambi dhaaf, barwaaqo, isjeclaansho iyo xasilooni taam ah dhamaan muslimiinta DDSI, dalka iyo caalamkaba.

Ciida Carafo oo ah ciida ugu wayn muslimka ayaa waafaqsan maalinta bari ah oo ku aadan 10 bisha Dulxija ee 1435.