Gudoomiyaha XDSHSI oo Maanta Gagida Diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal Airport Ku Soo Dhaweeyay Wufuud Heer Federal ah iyo Ergooyin Asxaabta Bah-Wadaagta Ah.

 Jigjiga(CN) Jimce oct,03,2014.Waxaa 3dii Cisho ee ugu danbaysay sida aad ka daalacateen shabakada wararka ee CakaaraNews ku soo qulqulayay Xarunta Deegaanka ee magaaada jigjiga Wufuud heer federal ah oo ka kala socotay Ururada bahwadaagta uu la yahay XDSHSI,Marti- sharaf iyo ergooyin kuwaasoo u yimid sidii ay uga qaybgali lahaayeen shirwaynaha 8aad ee XDSHSI ee ka dhici doona Xarunta Gobolka Nogob ee magaaladaFiiq.

Hadaba maanta ayaa uu Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed-rashiid Isaaq uu si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad iil-waal wufuud heer federal ah oo ay hogaaminayeen Wasiir kuxigeenka wasaarada Maaliyada DFI mudane Axmed Shide iyo kuxigeenka Afhayeenka Golaha Federationka mudane Rashiid Xaaji.sidoo kale waxaa waftigan ka mid ahaa Wakiilada asxaabta bahwadaagta EPRDF uga qaybgali doonta shirwaynaha XDSHSI.

Waftigan ayaa intii ay magaalada soo dhex socdeen aad ugu riyaaqay isbedelka iyo bilicda magaalada jigjiga ka muuqday oo 4 sano ka hor aanay wax horumar ahi ka muuqan jiray kuna macneeyay in ay kaaf iyo kala dheeri yihiin Horumarka iyo Isbedelada baaxada wayn ee ay xukuumada maantu waxaan ka badnayn 4sano ku taabogalisay iyo 20kii sano ee Dimoqraadiyadu ka curatay Dalka fursadihii horumarineed ee ay ka khasaariyeen xukuumadihii hore shacabka Deegaanka ee u oomanaa horumar iyo adeegyada aasaasiga uah nolosha.