Shirwaynihii 8aad ee XDSHSI oo si Habsamiya uga Socda Madashii loogu talagalay iyo Warbixino Muhiim ah oo la Ansaxiyay.

Fiiq(CN) Axad.05.Oct.2014, Waxaa maanta si diiran uga furmay hoolkii loogu talagalay shirwaynaha 8aad ee XDSHSI ee xarunta gobolka fiiq shirwaynaha oo maanta galinkii hore sidaan idiinku soo sheegnay warkayagii hore lagu doortay shir gudoonka shirka ayaa waxaa  maanta galinkii danba la dhagaysiga warbixinta waxqabadka XDSHSI ee 2dii sano ee ugu danbaysay taasi oo uu soo jeediyay madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed cabdi  warbixintan oo ku qotontay istaraatijiyadaha qorshayaasha siyaasada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee u dajisan XDSHSI.

Haddaba  warbixintani oo ayad mid aad u dheer  isla markana xambaarsan guulaha gaarka ah ee aan hore u jiri jirin ee laga gaadhay dhinacyada xidhiidhka dadweynaha dal iyo dibadba,dhaadhicinta maamulka ilaa heer tuulo oo ah qabaleeyadii n/diidku hore u waxyeeleeyay ,ka faaiidaysiga biyaha roobka,oogada dhulka iyo daraasadaynta iyo qodidda kuwa dhulka hoostiisa,jidadka iyo buundooyinka deegaamadii hore go’doonka u ahaa ama looga soo wareegi jiray kumanaan KM iyo caafimaadka gaar ahaan samaynta Koox dhakhaatiir indhaha ah oo badbaadada laxaadka indhaha ah oo wareegta iyo sidoo kale aasaasidda iyo ka shaqayntiisa xafiisyo iyo wakaalado laf dhabar u ah horumarka qaybihiisa kala duwan,

 

Warbixintan xisbiga ayaa waxaa kale oo ay si qoto dheer uga waramaysay guula 2 sano ee ugu danbaysay laga soo hooyay dhinaca xidhiidhka dadwayanah dalka iyo dibadaba.sida sodkaaladii dalka dhexdeeda kuwii ay xukuumadu ku soo martay dhamaan qaaradaha aduunka Xukuumadu waxay mudooyinkii u dambeeyay dajisay Qorshe Cad Oo Ku wajahan Sidii Qurba Joogta U Dhalatay DDSI Xaqiiqada Dhabta Ah ee deegaankoda loo taabsiin lahaa loona dhiiri galin lahaa.iyaa,da oo dhammaanba shanta qaaradood ee adduunka ay hogaaminta ugu saraysa ee xisbigu booqashooyin shaqo ku tageen isla markaana la burburiyay meeshana laga saaray been abuurkii iyo mashruucii ay ku shaqaysanaysay n/diidka UBBO si buuxdana loo kala jaray xidhiidhka qurbo joogta iyo n/diidka UBBO,iyada oo ay taasi horseeday in dhaqaalihii iyo taageridii ay siin jireen qurbo joogtu in si buuxda loo jaro,halkaa baddelkeediina ay qurbo jog badani kusoo qulqusho.  isla markaana mashaariici kala duwan oo isugu jira Huteello,warshado,Shirkadaha gaadiidka iyo isgaadhsiinta,kuwa dhismaha,beeraha iwm iny soo maal gashadaan.

 

Haddaba warbixitan oo ahayd mid aad u dheer islamarkaana ka warbixinaysa dhamaan guulaha waawayn ee uu xisbigu soo hooyay 2 sano ee ugu danyasay ayaa markii uu shirwaynuhu dhagaysay islamarkaana siwayn uga dooday cudbuuxa lagu meel mariyay.

 

Sidoo kale waxaa maanta la dhagaystay warbixinta waxqabadka gudiga dabagalka oo uu soo jeediyay oo uu soo jeediyay  gudoomiye ku xigeenka gudiga dabagalka ahna ku sii simaha gudiga dabagalka mudane aadan faarax taasi oo ka warbixinayay qorshayaashii iyo waxqabadkii gudiga dabagalka taasi oo uu gurigu markii uu ka dooday codbuuxa lagu meel mariyay.

Haddaba shirwaynahan oo ilaa caawa si habsamiya uga socda madasha loogu talagalay  laguna dooran doono golihii dhexe iyo gudiga fulinta warka xiga ayaan idiinku soo tabindoonaa isha ku haya cakaaraNews.