Deg Deg: Doorashadii Xubnaha Golaha Dhexe, Gudiga Fulinta Iyo Gudigii Dabagalka Ee XDSHSI Oo Si Habsami Leh U Dhacday.

Fiiq(CN) Isniin.06.Oct.2014, Waxaa saaka xarunta shirwaynaha 8aad si habsami leh uga furmatay doorashadii iyo cod bixintii xubnaha golaha dhexe, gudiga fulinta iyo gudigii dabagalka ee XDSHSI.

Waxaana si sharciga iyo nidaamka qaabilsan loo doortay 51 xubnood oo golaha dhexe ah, 15 xubnood oo gudiga fulinta ah iyo 13 xubnood oo gudigii dabagalka ah, kuwaas oo isugu jira xuno cusub iyo xubno horey ugusii jiray oo hadana la doortay.

Faah faahinta magacyada xubnaha oo dhamaystiran iyo go'aamada kala duwan ee kasoo baxaya shirwaynaha 8aad ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya, kala soco CakaaraNews goor dhaw.