Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxweyne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI oo Xadhiga Ka Jaray Dugsiga Waxbarashada iyo Hoyga Agoonta Magaalada Fiiq.

Fiiq(CN) Khamiis Oct,9,2014.Madaxweyne kusxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI oo ay wehelinayeen masuuliyiinta Maamulka Gobolka Nogob iyo Degmada Fiiq ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Dugsiga hoyga iyo waxbarashada Agoonta ee magaalada fiiq oo loo dhamaystiray dhamaan qalabkii dhanka waxbarashada iyo jiifkaba.

Dugsiga waxbarashada iyo hoyga Agoonta(caruurta ay waalid tireen Nabaddiidku) ee magaalada Fiiq oo la aas aasay sanadkii 2003 tirsiga itoobiya ayaa ay wakhti xaadirkan waxaa wax ka barta arday tiradoodu dhantahay 580 kuwasoo laga soo bilaabo sanadka kor ku xusan loogu sii bilaabay waxbarashada iyo duruusta Dhisme ay si ku meel gadh ah ugu sii jireen.

Ardaydan wax ku barata Dugsiga ayaa ay dhamaantood yihiin ubadkii ay waalid tireen Qawlaysatadii gabalkeedu dhacay ee UBBO balse xukuumada maanta oo ka damqatay daranyadii iyo caloolxumadii ay caruurtan badeen hadhaagii UBBO ayaa salka u dhigtay qorshe lagu barbaariyo caruurta agoonta ah islamarkaana wax lagu baro iyadoona laga aasaasay Magaalada jigjiga iyo Fiiq Dugsiga Hoyga iyo waxbarashada Agoonta loona dhamaystiray Macalimiintii iyo Qalabyada waxbarashada iyo jiifka. dhismaha Dugsiga Agoonta Fiiq ayaa ay ku baxday aduun lacageed oo gaadhaya 20 milyan oo birr ayaa ka kooban dhamaan qaybaha ama waaxaha muhiimka u ah Boarding schoolka sida qaybaha waxbarashada, jiifka, cuntada,Librariga iyo caafimadka

Hadaba Dhismahan ayaa waxaa si rasmi ah xadhiga uga jaray madaxweyne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mhaayir Haayir oo ay wehelinayaan guoomiyaha gobolka Nogob mudane Cabdi cali mataan iyo jananka ciidanka gaarka ah janaraal Cabdi Aadan waris iyadoona ay goobta ku sugnaayeen qaybaha shacabka iyo marti sharaf kale oo ka kala socotay dhamaanba 9ka degmo ee uu kakooban yahay gobolka nogob.

Masuuliyiintan ayaa booqday waaxyaha uu kakoobanyahay dugsigan halkaasi oo ay warbixin kaga qaateen mareeyaha hoyga agoonta fiiq marwo ubax mursal axmed kadibna madaxweyne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada mudane mowliid haayir Ayaa halkasi kula hadlay bulshada kasoo qayb gashay munaasibada waxa uuna yidhi waxaa maanta farxad wayn ii ah inaan shacabka gobolka nogob gaar ahaan magaalada fiiq inaan kala qayb galo mashruucan wayn ee waxbarashada waxaa weeyan mashruuc loogu hiiliyay agoontii nabadiidku waalidkood waxyeelay laguna daryeeelay waxbarasho ahaan iyo nolol ahaanba.

Masuulka ayaa intaa sii raaciyay in guryahan ay ardaydu seexanayaan ay yihiin ay yihiin 86 qol halka fasalada wax ay kubaranayaana ay yihiin 21 fasal oo ay wax ku baraan karaan ilaa 1050 arday inta hada ku jirta oo lagu daray in leeg ayuu yidhi masuulka ayaa ugu danbaytii sheegay inay ka xafiis waxbarasho ahaan ay la garabtaagan yihiin hiil iyo hooba waxkasta oo ay ubaahdaan ardaydu waxaa sidoo kale ka hadlay halkaasi gudoomiyaha gobolka nogob

Mudane Cabdi cali mataan waxaa uuna yidhi waxan idin farayaa inad si fiican wax ubarataan xisbigiinana xusuusnaataan idiin dhisay dabaqyadan ad ujeedaan abaal gudka ay xukumada iyo xisbigu idiinka fadhiyaan waa inaad si fiican wax ubarataan anshax wanaagsana yeelataan barina wadanka aad wax ubarateen aad waxkasta uhibaysaan bulshadii iyo ardaydii kasoo qayb galay munaasabada ayaa wajigooda waxaa ka muuqatay farxad aan lasoo koobi karin iyagoo uga mahad celiyay xukumada DDSI ee u dhistay guryahan