Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabada Xuska Maalinta Calanka Dalka oo Markii 7aad Si Heer Sare ah Maanta Looga Xusay Guud ahaan Dalka Gaar ahaana DDSI +SAWIRO

Jigjiga(CN) Isniin Oct,13,2014. waxaa maanta si aad u balaadhan looga xusay guud ahaan dalka gaar ahaana deegaanka soomaalida itoobiya munaasabada xuska maalinta calanka jamhuuriyada dawlada federalka itoobiya oo aad ugu wayn dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya iyadoona magaalada jigjiga ee xarunta u ah DDSI ay ka dhacday dabaaldega xuska 7aad ee maalinta calanka Qaranka islamarkaana ay ka qayb libaaxeed ka qaadanayeen Ciidamada DFI,Ciidamada Booliska DDSI,Ubaxa ardayda Dugsiyada,Ardayda Jaamacada iyo Kuliyadaha,Ururada Bulshada,12ka Xaafadood ee magaaada Jigjiga iyo Qayabaha kale ee ay bulshadu kakooban tahay kuwaasoo hiirtii waabariga ka soo bilaabeen Xarumaha laamaha maamulka Xaafadaha iyo Badhtamaha laamiyada magaalada dhexmara Ciyaaro iyo Damaashaad xambaarsanaa shucuur wadaninimo oo xusuus u ah midhihii Dimoqraadiyadeed ee ka curtay halgankii qadhaadhaa ee EPRDF ay xukunka kaga tuureen Dhiigyacabkii Mingistu.

Sidoo kale waxaa iyaguna saf saf si qurux badan ay Ciidamada Qaranka,Booliska DDSI iyo Ciidanka gaarka ah ee Liyuupolice ay ugu gaardinayeen laamiga wayn ee Magaalada JJ dhexmara halkaasoo ay dhamaantoodba isugu tageen Goobtii loogu talogalay Xuska munaasabada Calanka oo ah Gudaha Mataxtooyada DDSI oo aalaaba ay munaasabada noocan oo kale ah ka dhacaan.

Munaasabada 7aad ee xuska maalinta Calanka Qaranka itoobiya ee maanta jigjiga laga xusay ayaa ay ka qaybgaleen masuuliyiinta sarsare ee Xukuumada DDSI oo ay ka mid ahaayeen Afhayeenka Baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed-rashiid Isaaq.madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir,wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Axmed Shukri,Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI mudane Cabdi-Casiis Maxamed ,komishinerka Booliska ahna Mayorka MMJ mudane C/risaaq saxane iyo Masuuliyiin kale.

Haddaba munaasabadan oo ahayd mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay wajiyada Qaybaha bulshada,Ciidamada iyo masuuliyiintaba ay ka muuqatay shucuur xambaarsan farxad iyo ahmiyada maalintani u leedahay ayaa waxay cutubyada ciimadamada qaranka,fadaraalka,iyo ciidamada kala duwan ee deegaanka sida ciidamada gaarka ah ee liyuu boolisku ay iyagoo Cutubyo ah ku gaardiyaynayeen barxada wayn ee munaasabadu ka dhacday taasoo ay Masuuliyiinta Xukuumada iyo Ciidamaduba salaan sharaf ka qaadanayeen Ciidamada gaardinayay.

Waxaana ugu horayntii kudbad ka soo jeediyay munaasabadan afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq wuxuuna ugu horayntii munaasabada xuska maalinta calanka darteed salaan qaaliya u diray dhamaan shacabka deegaanka dalka iyo dibadaba, ciidamada qarka iyo ciimadaha amniga ee deegaanka, wuxuuna afhayeenka si qoto dheer uga waramay sooyaalkii taariikheed ee uu dalka iyo deegaankuba soo maray kana mid ahayd cadaadisyadii cakirnaa ee ay ku hayn jireen shacabka dalka itoobiya xukumadii kalidii taliska iyo tii boqortooyadii xayle selase.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Horumarkan iyo isbedelada fursadaha dimoqraadiyadeed ee ay shacabka soomaalida itoobiya si la mida qowmiyadaha kale ay heleen ku timid midhihii k adhashay geesiyadii dhiigooda u huray ee ururka EPRDF xukunka kaga tuureen Mingistu hormuudkana uu u ahaa Muhandiskii Dimoqraadiyada,sinaanta,Xaqdhawrka xuquuqaha Qowmiyadaha islamarkaana dhidibada u aasay Dastuur sugay Dawlad-wadaaga JDFI Meles Senawi. Afhayeenku isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in ka dib markii xukunka laga tuuray kalidii taliskii dhargigu sanadkii 1983 ay guud ahaanba dalka ka curatay daruur dimuqoraadiyadeed horumarineed taasi oo uu gadhwadeenka ahaa aabihii itoobiyada cusub mudane meles Senawi.

Mar uu ka hadlayay afhayeenku ahmiyada ay maalintani leedahay waxa uu yidhi” mudanayaal iyo marwooyin calankeenu waa astaanteena gaar ka ah xuska maalintani waa maalin ku wayn qalbiyadeena waana maalin qiimo iyo qadarin inaga mudan xusitaanka maalinta calankeenu waa maalin dastuuri ah, waana maalin qadarin gaar ah u leh dhamaanba shucuubta iyo dadyawga kale duwan ee dalkeena itoobiya. Waxaana waajib inagu ah in aan si cab u balanqaado in aan wax kasta oo cadaw ku ah aan si wada jir ah uga difaacano.

Dhanka kale Ku simaha madaxwaynaha DDSI ahna madaxwayne ku-xigeenka DDSI mudane Mawliid Haayir ayaa isaguna ka soo jeediyay munaasabadan khubad dheeli diran oo ku qotonta ahmiyada ay leedahay maalinta xuska calanku iyada oo dhamays Tirana kala soco warkan warka xiga.

Waxaa isaguna ka hadlay munaasabadan komishinerka Guud ee Booliska ahna Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga DDSI mudane C/risaaq Saxane isagoona ugu hambalyeeyay dhamaan shacabka reer itoobiya gaar ahaan soomaalida itoobiya dal iyo Dibadba faraxada maalintan.

Mudane C/risaaq ayaa intaa ku daray mar uu Horumarka ka hadlayay in Caasimada DDSI magaalada Jigjiga ay mustaqbalka Dhaw noqon doonto xarunta maalgashiga iyo dhaqaalaha. HogaamintaDhaqanka DDSI ayaa munaasabadan ka soo jeediyay hadalo qiimo gaara u leh ahmiyada maalintan kana faalooday dibindaabyooyinkii ay shacabku soo mareen ka hor iftiinkii dimoqraadiyadeed ee ka dhashay halgangankii EPRDF iyagoona Calanka Qaranka ku wareejiyay Jiilka soo koraya kuwaasoo iyaguna maamuus sharafeed ugu wareejiyay Ciidanka Qaranka oo u heelan Difaaca Calanka dalka.

Sidoo kale intii ay munaasabadani socotay waxaa heeso cusub oo ka tirjimaya ahmiyada ay leeyahay calankeenu ku soo bandhigayay kooxaha fanka iyo suugaanka ee DDSI.

Isku soo wada Soohoo saaka hiirtii ayaa ay ku waabariisteen Ciidaaaamada Heerarkooda,Qaybaha Bulshada,Xaafadaha, Ardayda jawi ka duduwan jawiyadii hore taasoo loogu dabaaldagayay Xuska maalinta Calanka Qaranka Itoobiya iyadoona ay wajiyadooda ka muuqatay baaxada ay leedahay farxada iyo yididiilada ay u hayaan maalintan.