Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

MUNAASAB SI WEYN LOOGA SOO QAYBGALAY OO LAGU TAAGEERAYAY GO'AANADII SHIRKII XDSHSI & TAAGEERADA WAXQABADKIISII AFARTII SANO EE UDANBAYSAY OO SI TAARIIKHI AH UGA DHACAY GOBOLKA MINNESOTA.

MN(CN) Isniin oct,13,2014. Shir taariikhi ah oon noociisa oo kale hore uusan ka dhicin Minnesota oo lagu taageeray go'aamadii kasoo baxay shiwaynihii 8aad ee XDSHSI ee kadhacay Xarunta gobolka NOGOB ee FIIQ & Guud ahaanba waxqabadkii Xukuumada uu Hogaanka toolmoon uhayo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar(Kulmiye) ayaa ka dacay Minniapolise ee cariga maraykanka iyadoona ay Shirkan ay kasoo qayb galeen dad lagu qiyaasay 2,000 halka tiro intaa u dhiganta ama ka badana ayaa waxaa laga celiyay dibada ka dib markii uu buuxdhaafay Hoolkii xafladu ka dhacaysay islamarkaana ay goobtii shirka ay dhaaftay intiii loogu talo galay balse Microphono iyo Tv Screeno loogu xidhay Dibada si ay ugala socdaan Munaasabada.

Xafladan oo ay soo abaabuleen ama ay agaasinkeeda iska lahaayeen dhamaanba Qaybaha kala duwan ee Jaaliyada DDSI ee Gobolka Minnesota ayaa Waxaa kasoo qayb galay dhamaanba Qaybaha kaladuwan ee Bulshada DDSI, Walalaha soomaaliyeed, Siyaasitiinta Hogaamisa Gobolka minnesota (Minnesota officials) & Dhamaan Jaaliyadaha aan walaalaha ee nahay ee ETHIOPIA.

Shirkan ayaa maqal iyo muuqaal ahaan lagusoo bandhigay waxqabadkii Xisbiga talada haya ee afartii sano ee udanbaysay ayay dhamaan kasoo qayb galaayaashii uriyaaqeen, isbadalka baaxadaas leh ee xukuumadu kuqabatay wakhtigaas kooban. Siyaasiyiinta Maraykanka oo uu kamid yahay, state representative Jim Abeler oo uriyaaqay waxqabadka XDSHSI EE lataaban karo ballan qaadayna inuu garab istaagayo.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha magaalada Minneapolis Mudane Abdiwarsame oo kasoo baxa Xisbiga dimuqraadiga, oo runtii tilmaamay in taariikhdii Soomaaliyeed saldhigtay deegaanka DDSI isagoo carabaabay Airpot ka Garaad wiil-Waal & Taalada Sayidki cadayn utahay. Sidoo kale waxaa Kahadlay cuqayaasha, Odayaasha, Dhalinyarada, Aqoonyahanka, & dhamaanba qaybaha kaladuwan ee bulshada DDSI.

Xafladan oo madaxwayne CMC kaga qayb qaatay khadka taleefanka ayaa ugu baaqay Qurba joogta inay soo maal gashadaan dalkooda, garab istaagaana isbadal horumarineed ee ka hana Qaaday deegaanka.

Dhanka kale waxaa qayb libaaxeed kaqaadanayay Shirkan Fanaaniinta ugu caansan North America Stars oo soo bandhigay heeso Cusub oo loogu talo galay, xukuumada & waxqabadkeeda. Iyo sidoo kale dhalint sedyo band. Gaba gabadii & gunaanadkii xafladan taariikhiga ah, ayaay ku dhamaatay damaashaad & farxad. Waxaana aad uga naxay midnimadan quruxda badan Dhamaanta cadawga DDSI & dadka horumar diidka ah.