Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Deg Deg: Shir Ay Maanta Yesheen Golaha Baarlamanka DDSI Ayaa Lagu Ansixiyay Gole Capinet Oo Cusub.

Jigjiga(CN) Khamiis.16.Oct.2014, Golaha baarlamanka DDSI ayaa maanta galinkii danbe shir ku yeeshay hoolka shirarka ee Qaryaan Dhoodaan. Waxaana shirkan lagaga hadlay arimo ay kamid ahaayeen ansixinta xubnaha cusub ee golaha capinetka.

Shirkan baarlamanka ayaa waxaa xilkii laga qaaday Hanti dhowrkii guud iyo qaar kamida xubnihii golaha capinetka oo ay kamid ahaayeen labadii madaxwayne kuxigeen ee C/fataax Macalin iyo C/laahi Yusuf Weerar. Waxaana lagu ansixiyay gole Capinet oo cusub oo ay kujiraan laba madaxwayne kuxigeen oo cusub.

Magacda xubnaha capinetka Cusub ee baarlamanku maanta ansixiyay waxaa kamid ah:-
1.Mudane Mawliid Haayir, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Waxbarashada ee DDSI.
2.Marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Xaf. Xoolaha, Beeraha iyo Hor/Miyiga DDSI.
3.Mudane C/xakiim Cigaal Cumar, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Xaf.H/guud iyo dhismaha warshadaha DDSI.
4.Mudane Aadan Kuusaw Cali, Hanti dhowrka guud ee DDSI.
5.Mudane C/casiis Maxamed Cabdi, Madaxa Xarunta dhexe ee XDSHSI lehna awood M/wayne kuxigeen.
6.Mudane Yaasiin Cabdi Waris, Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaalada DDSI.
7.Mudane Axmed Maxamed Shugri, Madaxa wakaalada Dakhliga DDSI.
8.Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka DDSI.
9.Maajida Maxamed Maxamuud, wasiirka Adeega shacabka iyo kobcinta awooda.
10.Mudane C/jamaal Axmed Qaloonbi, wasiirka Xeer Ilaalinta iyo Cadaalada guud ee DDSI.
11.Mudane Maxamed Daahir Ismaaciil, madaxa Kahortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI.
12.Marwo Raxma Maxamuud Haybe, wasiirka Arrimaha Haweenka, Dhal iyo Caruurta ee DDSI.
13.Eng.Idris Ismaaciil Cabdi, Wasiirka Xaf. Xidhiidhka dawlada, Dhaqanka iyo dalxiiska ee DDSI.
14.Mudane Naasir Axmed Madaxa Xaf.Tababarada, Xirfadaha iyo Farsamada (TVET-ka) ee DDSI.
15.Mudane Salaad Cismaan Madaxa Wakaalada Jidadka ee DDSI.
16.Dr. Cumar Maxamed, Kuxigeenka Wasiirka Caafimaadka ahna kusimaha Xaf. Caafimaadka DDSI.
17.Marwo Fartuun Cabdi Mahdi, Wasiirka Hor. Khayraadka Biyaha ee DDSI.

18.Mudane Axmed Cabdi Maxamed, Wasiirka Maaliada Iyo Hor. Dhaqaalaha DDSI.

19.Mudane Axmed Maxamed Koreeye, Wasiirka Arimaha Bulshada DDSI.