Ururada Dhalinyarada Ka Dhisan Yurub iyo Amerika oo Taageeray Go'aamadii Ka Soo Baxay Shirwaynihii 8aad ee XDSHSI Kuna Hawlan Shirwayne Kulmiya Dhalinyarada 5ta Qaaradood oo Lagu Qaban Doono Xarunta DDSI.

(CN) Talaado Oct 21,2014.Waxaa waxaa khadka telefoonka nagla soo xidhiidhay hogaaminta ururada Dhalinyarada ee Silent-cry,DDSI Youth & Stdudent Globa iyo Sedyo MN ee Ku kala noole Qaradaha Yurup, USA, Australi , & Mid-East iyagoona ugu horayn Hambalyo Iyo Bogaadin u so direy Go'aanadii dhaxalgalka ahaa ee ka soo baxay Shirkii tarikhiga ahaa ee X.D,SH,S.I ee ka dhacaye xarunta Gobalka Nogobe ee magalada Fiiq.

Xubno kala dowan oo ka kala socday  urarada Dhalinyara Qurba joogta ah ee u dhalatay Degaanka somalida itoobiya ayaa Khadka Teleconfencega ku yeeshay shir ay ku marti qadeen shabakada Cakaaranews Iyaga oo sheegey in ay aad ugu fataxsan yihiin sida cadcadaanta,Dimoqraadiyada iyo islaxisaabtanka ahaa ee uu ku soo gabagaboobay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI kaasoo sii kordhiyay kalsoonidii guud ahan shacabka Dal iyo dibadba ay ku qabeen xukuumada maanta ee mudadii yarayd ee ay jirtay ficil kaga jawaabtay baahiyihii bulshada deegaanka sida Horumarka baaxada wayn,N/galyada salka loo dhigay,Shaqo abuurka,Maamulka suuban,Maalgashiga iyo xidhiidhka qurbajoogta.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Silent Cry Mudane C/shukri Omar oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka qayb gashey shirwaynihii 8aad ee xisbiga aya warbixing ku siiyey Khadka Tele- Conferencega dhamaan xubnihii khadka ku jiray ee ka kala socday ururada dhalinyarada ee kor ku Xusan iyadoona ay si toosi ah u dhagaysanayeen dhalinyarada ku dhaqan in ka badan 10 wadan.

Mudane Cabdishukri ayaa warbixintisii ku sheegey In X.D.SH.S.I uu yahay Xisbi Dadaal-dheraad ah u galay kor u qaadida Xidhiidhka bulshada,Horumarka,N/galyada,Maamulka suuban iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka sidoo kalana wacyi galinta Dhalinyaradii Qurba joogta ah ee ku nool daafaha caalamka ee ay hada kahore UBBO majara habaabisay kuna hagaysay aragti madhalays ah. Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar yahay madaxwaynihii ugu horeeyay ee iskaga goosha 5ta qaaradood islamarkaana golayaal wadatashi kula soo yeeshay Qaybaha qurbajoogta ka soo jeeda DDSI isagoona guud ahaan Qurbajoogta gaar ahaana dhalinyarada ku dhiirigaliyaya sidii ay doorka kaga aadan deegaankooda uga qaadan lahaayeen taasoo sababatay in dhalinyaradu u soo jeedsato horumarka,N/galyada iyo wacyigalinta bulshada.

Cabdi shugri aya dhalinyarada ku dhiirigaliyay in ay Deegaankooda maalgashadaan kaalin lixaad lehna ka qaataan Horumarka, N/galyada iyo maamulka suuban si ay udub dhexaad ugu noqdaan isbedelada Horumarineed,Maamul suuban iyo nabadgalyo ee ay xukuumada maantu ku talaabsatay kaasoon marnaba aan dib u noqonayn inuu hore uga sii socdo mooyee.

Dhanka kale Dhalinyarada ayaa kaga shanqadhiyay in ay diyaargaraw balaadhan ugu jiraan sidii ay shirwayne wadatashi ugu qaban lahaayeen DDSI dhamaan dhalinyarada Dalka iyo Dibadaha ilaa 17 wadan kuwaasoo ka kala imaan doona Yurup, USA Australia Mid-east and Africa si ay dhalinyaradu Dalad guud ugu dhistaan.

isku soo wada duuboo Shirwaynihii 8aad ee Xisbiga ayaa ay ka qayb galeen madaxda jaaliyadaha,Qurbajoogta iyo wakiilada ururada dhalinyarada kuwaasoo ka wada marag kacay sida uu xisbigu ugu talaabsaday Hogaaminta Dimoqraadiyadeed ee cadcadaan ah iyo Guulaha wax ku oolka ah ee uu ka gaadhay Horumarka,N/galyadaiyo,Maalgashiga,Xidhiidhka Maamulka suuban