Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Maanta U Anbabaxay Magaalada Addis Ababa Si Uu Uga Qaybgalo Shirkii Males Foundation.

Addis Ababa(CN) Jimce.24.Oct.2014, Males Foundation oo la aas aasay geeridii hogaamiyihii aragtida dheereaa ee Males Zinawi kadib ayaa wakhtigan laqabtaa shirkii caadiga ahaa ee foundationka.

Sida la ogsoonyahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wuxuu kamid yahay gudiga fulinta ee Males Foundation, sidaas daraadeed madaxwayne Cabdi Maxamuud ayaa shirka caadiga ah ee Foundationka ka qayb galaya.

Shirkan ayaa lasoo dhigi doonaa qorshayaasha horumarineed ee sanadka 2007-da kaasoo bilaabanaya maalinta Sabtida islamarkaana socon doona labada galinba. Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa door muhiima kaga jira Males Foundation oo u taagan hirgalinta jihooyinkii siyaasadeed ee uu jeexay R/wasaarihii hore ee dalka ka geeriyooday Males Zinawi.

Waxayna Males Foundatoin hirgalinayaan qorshayaasha horumarineed iyo sidii ay u sii socon lahaayeen jihooyinkii siyaasadeed ee hogaamiyihii hore ee dalka.