Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir Lagu Qiimaynayay Wareegii 11aad ee Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha oo Ka Dhacay Maanta Hoolka Shirarka ee Xamda Hotel.

 Jigjiga(CN) Jimce Oct,24,2014.5tii bilood ee ugu danbaysay ayaa uu Xafiiska Caafimaadka Deegaanku xooga saaray sidii loo xoojin lahaa fulinta Talaalka Cudurka dabaysha(Polio),Talaalada Joogtada ah iyo talaalka goobaha Xuduudaha ku yaala islamarkaana uu natiijo ka wanaagsan kuwii hore uu xafiisku ka gaadhay xakamaynta Cudurka dabaysha iyo Goobaha xadadka ku yaala ee ay Cuduradu iskaga gooshi karaan.

Hadaba saaka ayaa uu xafiisku ku qabtay Hotel xamda Shir lagu Qiimaynayay Sidii loo qabtay wareegii 11aad ee Cudurka dabaysha kaasoo lagu talaalay caruur tiradoodu kor u dhaafayso 1,000,000(hal milyan) oo guud ahaan 9ka Gobol,68da Degmo iyo 4ta maamul magaalo laga fuliyay.

iyadoona uu wareega 11aad uu kaga duwanaa kuwii hore deegaanka looga qaban jiray dhawr arimood ee uu xafiisku lagamamaarmaan u arkay kuna sii xoojiyay Waxqabadka dhanka Talaalka dhinaca Wacyigalinta Bulshada iyo kaydinta talaalada joogta ah.iyadoona ay shirkan ka soo qaybgaleen wasiir kuxigeenka Caafimaadka C/fataax siciid,Khabiirada WHO,UNICEF, Vocal-persons Gobol-Tuulo, Hawl-wadeenada Caafimaad iyo Shaqaalaha Xafiiska Caafimaadka DDSI.

Xafiiska Caafimaadka DDSI ayaa wuxuu tababaro kala duduwan siiyay Culumaaudiinka Deegaanka(Golaha Arimaha Islaamka) iyo Hogaaminta Dhaqanka Deegaanka kuwaasoo kaalin xoogan ka qaatay wacyigalinta shacabka iyo la shaqaynta hawl-wadeenada xirfadlayaaasha caafimaadka ee ololaha talaalada fulinayay.

sidoo kale xafiiska ayaa miisaaniyada fulinta talaalada Dabaysha 90% u dhaadhiciyay Degmooyinka waxaa kale oo uu Xafiisku gaadhsiiyay Degmooyinka iyo Gobolada Firinjero ku shaqeeya Cadceeda iyo Gaaska kuwaasoo uu 3bilood ilaa 6 bilood gaaskii ku filnaan lahaa Qaboojinta talaalada joogtada ah uu gaadhsiiyay Degmooyinka iyo Gobolada islamarkaana kor loo qaaday Teamamka Hawl-wadeenada Caafimaad iyo Baabuurta fulinayay Wareega 11aad ee Ololaha Talaalka Dabaysha 50%-70%.

Mar uu wasiir kuxigeenka Caafimaadka Mudane C/fataax Siciid  ka hadlayay Furitaankii shirkan ayaa uu sheegay in xafiisku u guntaday sidii looga dabargoyn lahaa calaamadaha cudurka dabaysha guud ahaan Deegaanka oo aan 5tii bilood ee ugu danbaysay lagu arag wax calaamad u ah Polio deegaanka,isagoona u mahadceliyay golaha sare ee arimaha islaamka iyo hogaaminta Dhaqanka oo kaalin lixaad leh ka qaatay dhanka wacyigalinta bulshada taasoo sahashay in caruurta da'doodu gaadhay la wada talaalo.sidoo kale mudane C/fataax ayaa u mahadceliyay Hogaaminta sare ee Xukuumada, Hay'adaha WHO iyo UNICEF oo taageero buuxda ka gaystay Fulinta talaalka Cudurka Dabaysha.

Isku soo wada duuboo Xafiiska Caafimaadka DDSI oo kaashanaya Xafiisyada iyo Hay'adaha ay bahwadaagta shaqada ku yihiin sida WHO, UNICEF,Xukuumada,Culumaaudiinka iyo Hogaaminta Dhaqanka ayaa 5tii bilood ee ugu danbaysay dadaalo xoogan u galay sidii uu deegaanka looga cidhibtiri lahaa calaamadaha Cudurka dabaysha oo aan lagu arag guud ahaan Deegaanka 5tii bilood ee ugu danbaysay.