Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwayne ku Xigeenka Ahna Wasiirada Beeraha, Xoolaha iyo Horumarinta Reer-miyiga Oo Karwarbixisay Jihooyinka Qorshayaasha Horumarineed ee Horyaala Xafiiska.

Jigjiga(CN) Axad.26.Oct.2014, Wariyaha shabakada wararka ee CakaaraNews oo u kuurgalay sida ay u shaqaynayso iskushaandhayntii dhawaan lagu sameeyay golaha capinetka DDSI ayaa ku lug-horeeyay xafiiska xoolaha, beeraha iyo horumarinta reermiyiga DDSI. Wuxuuna xafiiskeeda kula kulmay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirada xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga marwo Sucaad Axmed Faarax.

Madaxwayne ku xigeenka DDSI marwo Sucaad Axmed oo ugu horayntii si guud uga warbixiysay istaraatajiyadaha ku ku aadan hirgalinta qorshayaasha horumarineed ayaa waxay sheegtay in wasaarada oo ka duulaysa hirgalinta qorshayaasha u yaala xukuumada qaybta ay uga xilsaaran yihiin oo ah horumarinta bulshada xoolo-dhaqatada ah iyo Waxsoosaarka dalagyada casriyaysan ee Dhulbeeraadka Deegaanka, in ay dardar Xoogan galiyeen adeeg bixintooda ku aadan kor u qaadida xidhmooyinka horumarineed ee xoolo-dhaqato Beeralayda Deegaanka.

Mar uu wariyihu wax ka waydiiyay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirada xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga marwo Sucaad Axmed qorshayaasha horumarineed ee ugu muhiimsan sanadkan, ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladeedii:

"Si loo xoojiyo istaraatijiyadaha horumarineed ee ay dejisay xukuumada DDSI gaar ahaan wasaarada xoolaha beraha iyo horumarinta reer miyaga, si loo daboolo baahiyaha aasaasiga bulshada xoolo dhaqatada ah iyo kuwa xoolo dhaqata beeralyda ah, islamarkaana loo tir tiro cudurada faafa ee aafeeya xoolaha nool ee isaga goosha masaafooyinka. Si loo taabogaliyo cudud xirfad iyo aqoon u leh talaalka iyo dawayntiisaba, ayuu hadda xafiisku siwayn ugu diyaargaroobay sidii uu uga midho dhalin lahaa  dhamaanba shaqooyinkaasi aan soo sheegay.

Waxaa kale oo ay marwo Sucaad ka warbixisay nimcooyinka iyo khayraadka kala duwan ee Ilaahay ku manaystay deegaanka taasina ay u baahan tahay in si habsamiya looga faa’iidaysto gaar ahaana dhinaca wax soo saarka beeraha  iyo sida ay xukuumada oga go’antahay kor uqaadida wax soo saarka dalaga iyo dabar goynta saboolnimada.