QURBOJOOG KA SOO JEEDA GOBOLKA JARAR OO KULAN WADATASHI AH ISUGU TIMID MAGAALADA ABU DHABI EE WADANKA UAE.

Dubai(CN) Isniin Oct27,2014.  Qurbojoog ka soo jeedaa gobalka Jarar ee DDSI ee ku dhaqan wadanka UAE ayaa kulan ay kaga tashanayeen siday uga qayb qaadan lahaayeen hormarka iyo Nabad Galiyada ka hana qaaday guud ahaan Deegaanka DDSI isugu yimid. Kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Odeyga ahna marjica guud ee Jaaliyada UAE Shakir Ahmed.Abdullahi Shabeel.

Mudane Shaakir ayaa waxuu uu si fiican carabka ugu dhuftay horumarka balaadhan ee Deegaanku uu ka gaadhay dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha,arimaha bulshada,nabadgaliyada iyo maamulka suuban ee guud ahaan deegaanka ka hana qaaday.

Dhanka kale Waxaa xusid mudan in uu Odeygu aad ugu dheeraaday Horumarka iyo isbedelada xawliga ah ee mudo gaaban ka taabogalay Deegaanka Soomaalida Itoobiya,tusaale lagu daydana uga dhigay hanaanka hogaamineed ee ka hana-qaaday DDSI ee uu hogaaminayo H.E Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo u hurseeday shacabka deegaanka Nabad hormar iyo xasilooni aysan Abid heerkan oo kale ka gaadhin.

Sidoo kale waxaa uu Odey Shakir A.Shabeel ugu baaqay dhamaan shacabka deegaanka inay kafeejignaadaan fikradaha cidhiidhyoon ee xanbaarsan, Nabad-diidka, qabyaalada, nin-jeclaysiga, iyo dulsaarnimada, taas ood moodo in baryahan danbe fikirkii ragaadiyay Somalia inuu ka shanqandhay Deegaanka.

Isku soo wada duuboo kulankan oo kusoo gaba-gaboobay jawi aad uquruxoon iyo is afgarad ayaa waxaa la isla qaatay ina la abaabulo qurbo joogta ka soo jeedaa gobolka JARAR sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen,hormarka iyo Nabadgaliyada, waxaana la isla gartay in la diyaariyo safar wada jir ah oo qurba-joogtani ku bixiso deegaanka gaar ahaan gobalka JARAR xadhigana lagaga soo jaro Jaamacad carabka lagu dhuftey intuu kulankani socday oo laga hirgaliyo Gobalka Jarar (JARAR University) iyo sidii loo dhisi lahaa Meelihii Hore Qurbajoogtii Deegaanku u dhagaxdhigtay Goobo ka tirsan Deegaanka Jarar Gudiga, qurba joogta gobolka JARAR ee UAE.

Shaakir A.Abdullahi Shabeel

Wali Cumar Muxumed (Jidhac)

Rashid Maxamud Yususf

Maxamed Maxamud (Fanax)

Maxamed Muse Aw-yusuf

Cabdi Qadir Axmed Maxamed (Jabane