Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jaamacada Jima oo Ay Ka Qalinjabiyeen Dhakhaatiir Culuunta Caafimaadka ku Qaadatay 7 Sano Kana Mid Yihiin 20 Dhakhtar oo ay Xukuumadu Si Gaara ugu Dirtay Dabooshayna Dhamaan Wixii Ku Baxay Waxbarashadooda.

Jimma(CN) Talaado Oct28,2014.  Xukuumada maanta ayaa dhigatay ama u jeexday Qorshayaal Siiyaalo uah Geedisocodka la hiigsanayo sanadaha Fog,Dhexe iyo kuwa dhawba kuwaasoo ku wajahan dhinacyada kor uqaadida iyo tayaynta Horumarka aasaasiga,Maamulka saxar-tiran iyo Xasiloonida gayiga DDSI si kor loogu qaado adeegyada saamynta ku leh Daryeelka Nolosha bulshada iyo guud ahaan dhaqaalaha Deegaanka qaybaha ugu muhiimsana ka tahay Kobcinta Awooda Cududa shaqaale ee Deegaanka.

Hadaba waxaa ka qalinjabiyay Jaamacada jiima(Jima University)arday Dhakhaatiir ah oo mudo 7sano ah wax ka baranayay jamacadaasi iyadoona ay ka mid yihiin 20 Dhakhtar oo u dhashay DDSI taasoo uu Deegaanku daboolay dhamaana miisaaniyadii ay mudada sare ku xusan wax ku baranayeen si ay u daboolaan baahida Dhakhaatiir ee ka jirta DDSI uguna adeegaan takhasusyada ay soo barteen Shacabkooda.

Munaasabadan qalin jabinta Ardaydan dhakhaatiirta ah kasoo qayb galay isla markaana la wadaagayay farxada qalinjabinta Masuuliyiin ka socotay Heer fadaral oo uu ugu horeeyo wasiir cafimaadka Ee dowlada fadaraalka itoobiya Dr keseteberhan admasu iyo Masuuliyiin ka socday DDSI oo ay kamid ahaayeen wasiirada Xafiiska Adeega shacabka iyo kobcinta DDSI Marwo Maajida Maxamed iyo wasiir ku-xigeenka ahna ku-simaha wasiirka caafimadka Dr cumar Maxamed Faarax iyo masuuliyiinta jaamacada jiima sidoo kalana Waalidiinta ardayda qalinjabinaysay.

iyadoo ardaydan dhakhaatirta ah qaybta kasoo jeeda DDSI ay yihiin arday uu deeganku sigaara ugu diray jamacadan si ay udaboolaan baahida cafimadka bulshada DDSI iyo sii xoojinta qorsha yaasha Horumarinta Caafimaadka waxaana kugu horayn munaasabadasi qalin jabinta ah ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka DFI Dr Keseteberhan oo u hanbalyeey Ardayda qalin jabinaysay sidoo kalena tilmaamay in dhakhaatiirtani ay wax wayn ka badali doonaan daboolida baahida caafimadka Dalka waxaana uu ku booriyay masuulku dhakhaatiirtan in culuuntii ay qaaten ay bulshadooda uga faa`iideeyaan si loo dabar gooyo loogana hortago cudurada faafa.

Waxaa sidoo kale iyaduna ka hadashay munaasabadaasi wasiirka xafiisk Adeega shacabka iyo kobcinta Awooda Marwo Maajida maxamed oo tilmaantay inay ad ugu faraxsan tahay in intan oo arday ah oo dowlada deegaanku ay wax barashooda dabooshay ay farxad gaara utahay inay maanta ay qalin jabiyaan ayna tahay midhihii iyo dadaalada uu wado X.D.SH.S.I oo ka duulaya baahida shacabka masuulka ayaa intaa ku dartay in ardaydani ay wax wayn kusoo kordhin doonaan Daboolida baahida caafimaadka bulshadoodana ay uga faa`iidayn donaan adeegyada caafimaadka.

Sidoo kale waxaa isaguna madasha qalin jabintu ka dhacaysay ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiska caafimaad ah ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI Dr cumar Maxamed faarax oo ugu horayn u hambelyeey qalin jabiyaasha sidoo kalena tilmaamay in xafiiska caafimaadka oo ka duulaya yoolasha lagu hormarinayo caafimaadka uu dadaalo ugu jiro sidii uu kor ugu qaadi lahaa tirada iyo tayada dhakhaatiirta ka hawlgasha DDSI sidaasi darteedna dhakhaatiirtani uu deegaanku sida gaarka ah ugu diray waxbarashada una daboolay kharashka ku baxay ay tahay sidii loo heli lahaa Aqoon yahano wax ubartay bulshada deegaanka.

Masuulka oo hadalka sii wata ayaa sheegay in ayna ku koobnayn Dadaalada xukumadu ay ku tababarayso Dhakhaatirtan qalin jabisay oo kaliya balse waxaa jira dhakhaatiir kale oo iyaguna hada ku jira barashada culuunta caafimaadka oo ku xaraysan jaamacada dalka Dhakhaatiirtan u qalin jabisay DDSI ayaa iyaguna tilmaamay inay diyaar uyihiin gaadhsiinta iyo daboolida baahida caafimaadka bulshada deegaankooda ee ay mudada 7sano ah wax usoo baranayeen goob kasta iyo geed kastana ay ugu tagi doonaan si ay uga haqabtiraan baahida caafimaad waxayna sidoo kale umahad celiyeen xukumada iyo X.D.SH.S.I. ee dabolay baahidooda Waxbarasho

Isku soo wada duuboo Xukuumada maanta ayaa Xooga saartay sidii loo heli lahaa Cudud waxbaratay oo hanata dhamaanba Baahiyaha shacabka iyadoona ay ugu danbayntii Qalinjabintan masuuliyiintii Deegaanku si gaara ula kulmeen Dhakhaatiirtii Deegaanka ee Nasiibka u heshay in ay qalinjabiyaan.