Kulan Wdatashi ah oo Dhex-Maray Masuuliyiin Xukuumada ah iyo Qaybaha Shacabka Magaalada Jigjiga

Jigjiga(CN) Talaado Oct-28-2014. Waxaa saaka ka dhacay Hoolka Shirarka ee SMCX kulan aad wadajir loogu gorfaynayay kor uqaadida bilicda iyo Nadaafada magaalada jigjiga,wax ka qabashada dhibaatooyinka jira sida wadooyinka iyo Shaqo abuurka sidoo kalana wadatashiga qaybaha bulshada iyo kawarqabka jihooyinka uu Xisbigu hiigsanayo.Shirkan ayaa ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Cabdi-Risaq saxane,Madaxa Arimaha Siyaasada Xarunta Dhexe mudane Cumar Maxamed Cabdi iyo Wasiir kuxigeenka Xafiiska Horumarinta magaalooyinka mudane Axmed Shukri.

Kulankan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay maayorka maamulka magaalada jigjiga ahna komoshineerka booliska DDSI mudan Cabdirisaaq Saxane wuxuuna ka waramay dadaalka dheer ee ay xukuumadu ugu jirto ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed,qorshaha ku wajahan horumarinta Bilicda maamulka magaalada jigjiga, dhamaystirka adeegyada aas aasiga ah ee magaalada jigjiga iyo waliba abuurida illaha shaqada.

Waxaana maayorku si mug wayn uga waramay doorka ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaashaasi lagu horumarinaya magaalada jijiga qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jigjia sida ganacsatada qurba joogta iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa kale oo isaguna ka hadlay kulankan madaxa arimaha siyaasada ee XDSHSI mudane cumar maxamed cabdi oo ka warbixiyay qorshayaasha kala duwan ee Xarunta Dhexe ee Xisbugu u dejisay Dhinacyada Xidhiidhka Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaybaha Shacabka,Golayaasha wadatshiga iyo Qorshaha loogu talogalay in lagu horumariyo Bilicda iyo Quruxda caasimada deegaanka gaar ahaan dhiaca nadaafada maamulka magaalada jijiga iyo waliba kaalinta shacabka lagaga qaybgalinayo.

Xarunta Dhexe ee XDSHSI ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay u guntatay sidii ay kor ugu soo qaadi lahayd wadciga siyaasadeed ee shacabweynaha Deegaanka si loo xoojiyo Abaabulka,Wacyigalinta Horumar,siyaasad,maamul suuban iyo nabadgalyo dhanka wadatshiga iyo xidhiidhka xisbiga iyo bulshada si looga midhodhaliyo jihooyinka siyaasadeed iyo kobaca dhaqan dhaqaale ee uu dalku hiigsanayo.

Waxaa sidoo kale ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka DDSI mudane ahmed shugri wuxuuna ka warbixiyay mashaariicaha waawayn ee ay xukuumadu ku hormarinayso xarunta deegaanka ee jigjiga gaar ahaan buuxinta adeegyada aas aasiga ah ee ay ka mid yihiin biyaha laydhka iyo jidadka wuxuuna wasiirku xigeenku siwayn ugu booriyay shacabka in ay si balaadhan qurxinta iyo bilicda maamulka magaalada jigjiga.

Dhankooda Qaar ka mida Qaybaha shacabka ka soo qaybgalay Shirkan loogaga wada arinsanayay sidii wadar ahaan looga shaqayn lahaa Kor uqaadida Bilicda iyo Nadaafada magaalada loona ogaan lahaa Dhinacyada dhibaatadu ka jirto ayaa ay fikiro kala duduwan oo waxtar u lahaa Mayorka iyo masuuliyiintii kaleba ka soo jeediyay kuwaasoo loo qushuucay islamarkaana la balanqaaday in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabanayo Todobaadkan gudihiisa ida Wadooyinka xaafadaha magaalada iyo meelaha Togaga ah.

Ka soo qaybgalayaasha ayaa u riyaaqay Doorka xukuumada iyo talowadaaga masuuliyiinta kuwaasoo dhamaantood tibaaxay sida ay uga go’antahay ka qayb qaadashada hawlaha horumarineed ee ay xukuumada ka wado xarunta deegaanka ee jigjiga siwayna ay dhankooda uga soo dhalaali doonaan kaalintooda.

Isku soo wada xooriyoo kulankan ayaa kaga duwanaa kulamadii hore dhanka tashiga iyo afkaar iswaydaarsiga Xukuumada iyo shacabka islamarkaana si wadajir ah loo go'aamiyay in laga hortago wax kastoo nadaafada iyo bilicda magaalada wax u dhimaya laga hortago iyadoona go'aano ay ganaax ku mutaysan karaan dadka si ulakac ah ugu shuba Qashin wadooyinka iyo Goobaha gancsi.aalayaan qaybaha kaga aadan