Wasiir Ku-xigeena Caafimaadka DDSI oo Dalka Jabuuti Kaga Qaybgalay Shirwaynaha Caafimaadka Bariga Afrika iyo Kulamo uu La Qaatay Madaxda Dawlada.

Jabuuti(CN) Arbaco Oct-29-2014.Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane C/fataax Siciid oo bilihii ugu danbeeyay dardargaliyay tayaynta adeegyada caafimaadka iyo adeegbixinta Xarumaha Caafimaadka iyo isbitaalada deegaanka ee la siiyo qaybaha shacabka ayaa Kaga qaybgalay Wafti uu hogaaminayay shirwaynaha caafimaadka dalalka Geeska Afrika ee lagu qabanayo sanadkan Dalka Jabuuti halkaasoo ay madaxda sare ee Jabuuti ay si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen qaabilaad ka turjumaysa xidhiidhka labada wadan ka dhexeeya.

Wasiirka ayaa ujeedada socdaalkiisu ku wajahnaayeen ka qaybgalka Shir wayne ay Madxda Caafimaadka Geeska Afrika oo ka dhacaya Jabuuti,kulamo uu la qaato madaxda wasaarada Caafimaadka dalka Jabuuti iyo Shirar uu la yeesho qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku sugan Jabuuti iyo safaarada DFI ay ku leedahay isla dalka. Sida wariyaha noo jooga Jabuuti uu noo soo tebiyay waxaa shalay oo ahayd maalin talaado ah ka bilowday hoteelka sheraton jabuti shirweynaha caafimaadka xuduudaha geeska afrika, shirkaasi oo socondoona muddo laba maalmood ah.

Hadaba mar aanu la xidhiidhnay wasiir ku-xigeenka caafimaadka DDSI C/fataax siciid oo hogaaminayay weftiga ka socday dowladda federaalka itoobiya ayaa sheegay in siweyn loogu soo dhoweeyay dalka jabuuti islamarkaana uu shirka Caafimaadka geeska Afrika ku bilowday jawi aad u wanaagsan.

wuxuu wasiirku xigeenku sheegay in shirka ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga adeeg-bixinta caafimaadka xuduudaha geeska afrika iyo ladagaalanaka cuduradda faafa ee aan xuduuda lahayn iyadoo fiira gaar ah lasiinayo talaalka cidhib tirka cudurka dabaysha(Polio) iyo talaalka joogtadda ahba. shirkan oo qabanqaabadiisa iska kaashadeen hayadaha UNICEF iyo WHO ayaa ah shir qabsoomistiisu kadhalatay go'aanadii kasoo baxay shirweynihii caalamiga ahaa ee lagu qatay dalka itoobiyo gaar ahaan caasimadda DDSI magaaladiisa jigjiga oo wasaarada Caafimaadka Deegaanka aan loogu amaanay warbixinta waxqabadkeeda 5tii bilood eeugu danbaysay.Waxaa xusid mudan in xafiiska caafimaadka DDSI si buuxda u metelo dowladda federaalak itoobiya maadaama oo degaanku yahay degaanka ugu balaadhan ee xuduudaha laleh dalaka geeska afrika(Bariga Afrika).

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay wufuud ka kala socota dalalaka Kenya, Somalia, Somaliland, Yeman, jabuti, itoobiya iyo kabiiro kasocda dalalka yurub,Madaxda hay'adaha Unicef,WHO iyo marekaynka. Kulanwaynahan ayaa uu furay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee Jabuuti Cali Sillaye Abdallah.

Waxaa la filayaa in shirkan lagu lafa guro xakamaynta cuduradda faafa een xuduuda lahayn iyo sidii loo talaali lahaa caruurta isaga gudba xuduudaha dalalka geeska afrika.

Isku soo wada soohoo Wasiirka iyo madaxda Safaarada itoobiya ayaa la filayaa in ay kulanwayne wadatashi iyo xogwaraysi ah ay kula yeeshaan gudaha Safaarada Qurbajoogta ka soo jeeda Deegaanka ee ku dhaqan DJibuti.