Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Mudane C/laahi Yuusuf Weerar Oo Sheegay Inuu Sii Socon Doono Halgankii Lagula Jiray Saboolnimada.

Jigjiga(CN) Khamiis.30.Oct.2014, mudane C/laahi Yuusuf ayaa sheegay mar uu lakulmay shabakada wararka CakaaraNews, in howlaha horumarka ee lagula dagaalamayo saboolnimada iyo halganka loogu jiro sidii saboolnimada looga bixi lahaa inuusan marna hakanaynin.

Sidoo kale wuxuu sheegay mudane C/laahi guud ahaanba nabadgalyada kajirta deegaanka in ay tahay mid aan ciyaar ku imanin oo naf iyo maalba loo huray islamarkaana u baahan in hoosta laga xariiqo maadaama aysan ahayn mid kaftan gali karta.

Mudane C/laahi Yuusuf Weerar wuxuu ugu danbayntii sheegay inuu xoojin doono islamarkaana uu dardar galin doono kaalinta kaga aadan ladagaalanka saboolnimada, sugida aminga iyo tirtirida fikirada nabadiidka ee UBBO iyo Alqushaash iyo xoojinta xidhiidhka dadwaynaha.