Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir Lagu Lafa Gurayay Heerka Uu Gaadhsiisan Yahay Adeeg-bixinta Shirkada Quwada Korontada Oo Maanta Ka Dhacay Hoolka Shirarka Ee Qaryaan Dhoodaan.

Jigjiga(CN) Khamiis.30.Oct.2014, Waxaa maanta ka furyay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan shir lagu gorfaynayay heerka uu gaadhsiisan yahay adeeg bixinta ay siiso shirkada quwada korantada shacabka deegaanka.

Waxaana ka soo qaybgalay shirkaasi qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada deegaanka oo ay ka mid yihiin maareeyaha wakaalada dakhliga mudane Axmed Maxamed Shurgi oo isagu shirka furay, wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta magaalooyinka, Dhismaha iyo warshadaha, mudane Axmed Shurgi Cabdi, maayorada iyo maareeyayaasha maamulada magaalooyinka oo uu ka mid yahay maayorka maamulka magaalada jigjiga mudane Cabdirisaaq Saxane, masuuliyiin ka socday gobolada iyo degmooyinka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamulka magaalada jigjiga.

Sidoo kale waxaa iyaguna ka soo qaybgalay shirkaasi masuuliyiinta ugu saraysa shirkada quwada korantada iyo shaqaalaha shirkada quwada korontada ee ka hawlgala deegaanka.

Waxaana shirkaasi ugu horayntii ka hadlay maareeyaha wakaalada dakhliga DDSI mudane Axmed Maxamed Shugri oo ugu horayntii u mahad celiyay masuuliyiinta ka soo qayb galay shirkan wuxuuna ka warbixiyay ahmiyadan shirkan,  oo uu sheegay in mudada uu socdo lagu lafa guridoono shirkada quwada korontada adeegbixinta heerka uu gaadhsiisan yahay.

Waxaa kale oo isaguna ka hadlay madashaasi wasiir ku xigeenka waraarada horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Axmed Shugri Cabdi oo sheegay in guud ahaanba xukuumada deegaanku ku talaabsatay sanadihii ugu danbeeyay horumar dhinac kasta kaleh waxaana dar dargalinaa ayuu yidhi wasiir ku xigeenku islamarkaana aan dabagal ku samaynaa shirkadaha adeega bixiya sida shirkada isgaadhsiinta iyo tan quwada korontada.

Wuxuuna sheegay in shirkan maanta si wayn loogu darsayo looguna kuur galayo adeegbixinta shirkada quwada korontada iyadoo lagu saxay dhibaatooyinka iyo arqaladaha ka jira dhinaca adeeg bixinta laguna xaqiijinayo adeega ay siiso shirkadani guud ahaanba shacabka deegaanka.

Waxaa iya’guna dhankooda ka hadlay shirkani masuuliyiinta shirkada quwada korontada oo soo bandhigay qorshayaasha ay ku horumarinayaan adeegbixintooda kuwaasi oo sheegay in ay sida ugu dhakhsaha badan uga midho dhalinayaan adeeg bixintooda gaadhsiinayaana guud ahaanba deegaanka.

Masuuliyiinta ka socoday gobolada maamulada magaalooyinka iyo degmooyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jijiga ee ka soo qaybgalay shirkan ayaa iyuguna ka soo jeediyay hadalo ku saabsan meelaha ay ka liidato adeegbixinta shirkada iyo sidii loo sixilahaa. Sidoo kale waxaa laga mahad celiyay dhanka wanaagsan iyo dadaalada ay kawado deegaanka shirkada quwada korontada Itoobiya.