Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka DDSI iyo Ku Xigeenka Safiirka DFI oo Maanta Kulan Loogu Gogolxaadhayo Shirwaynaha Qurbajoogta kula Qaatay Safaarada Gudiga Fulinta Jaaliyada DDSI.

 Jabuuti(CN) Khamiis Oct-30-2014.Sida uu noo soo tebiyay wariyaha noo jooga Jabuuti galinkii danbe ee maanta ayaa ay gudaha Safaarada DFI ku leedahay Dalka jabuuti ay kula kulmeen xubnaha G/fulinta Jaaliyada DDSI ee jabuuti wasiir kuxigeenka Caafimaadka DDSI mudane C/fatax Siciid iyo kuxigeenka Safiirka. Sida la sheeay kulankan ayaa wuxuu gogolxaadh u yahay Shirwayne loo qaban doono dhamaan Qurbajoogta ka soo jeeda Deegaanka ee ku nool Jabuuti.

Wasiirka iyo xubnaha ayaa maanta isla jeexjeexay jadwalka shirwaynaha islamarkaana lagu dhagaystay warbixinta waxqabadka jaaliyada deegaanka ee dalka jabuuti.