Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka DDSI iyo Kuxigeenka Safiirka oo Shir Balaadhan La Yeeshay Qurbajoogta Deegaanka ee Ku Dhaqan Djibuti.

 Jabuuti(CN) Sabti Nov-01-2014.Sidaad hore uga dheehateenba waxaa maalmahan ku sugnaa magaalo madaxda jabuuti Wafti wasarada Caafimaadka heer federal iyo heer Deegaa ah oo uu hogaaminayay Wasiir kuxigeenka wasaarada Caafimaadka DDSI mudane C/fataax Siciid islamarkaana ka qaybgalay Shirwaynaha caafimaadka Dalalka Gobolka bariga (Afrika). hadaba shalay ayaa uu mudane C/fataax Siciid oo uu wehelinayay ku-xigeenkia Safiirka safaarada DFI ee Dalka Jabuuti la yeeshay kulan aad u balaadhnaa marka loo eego tirada ka soo qaybgasha Qurbajoogta ka soo jeeda Deegaanka ee ku nool Jabuuti shirkaasoo ka dhacay Gudaha Safaarada.

Mudane C/fataax Siciid ayaa ugu horayn hadal ka soo jeediyay Shirka isagoona Qurbajoogta gaadhsiiyay Fariin uu uga siday Madaxwaynaha DDSI iyo Gudoomiyaha Xisbiga ahna Afhayeenka Baarlamaanta.intaa ka dibna si xeeldheer sharax guud uga bixiya heerka waxqabadka xukuumada maanta uu gaadhsiisan yahay isagoona si qotodheer uga faalooday waxqabadka horumarka aasaasiga ah sida Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka,Beeraha,Barnaamijka dibudejinta,Shaqo abuurka iyo Maalgashiga ka taabogalay Guud ahaan Deegaanka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray warbixintii iyo go'aanadii dhaxalgalka ahaa ee ka soo baxay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI uu ku yeeshay xarunta Gobolka Nogob magaaladiisa Fiiqtilmaamayna in qurbaoogtu doorkoodaka qaataan shaqooyinka iyo qorshayaasha jihooinka Xisbigu ku doonayo in uu dhidbada u aaso Maamul Saxartiran oo ka soo dhalaala Horumar gaadhsiinta iyo kbcinta dhaqaalaha Deegaanka.

Mudane C/fataax Siciid ayaa sidoo kale Qurbajoogta sharax ka siiyay hawlaha uu Qabto Ururka horumarinta soomaalida Itoobiya Carabkana ku dhuftay in Qurbajoogtu ay buuxiyaan xubinimada Ururka kaalin lixaad lehna ka qaataan Barnaamijyada horumarineed ee uu Ururku wadao iyo Dhismaha Biyo-xidheenka Wabiga Abbay.Dhanka kale Mudane C/fataax ayaa u mahadceliyay dawlada jabuuti,Safaarada DFI iyo Hogaaminta jaaliyada.

Kuxigeenka Safiirka oo ka hadlay Shirka ayaa tibaaxay in Xukuumada maantu ay horumar iyo isbedelo dhinac walba ah ay ku talaabsatay mudadii yarayd taasoon cidna caad aynan ka saarayn taasoo abuurtay Xidhiidhka Qurbajoogta iyo Dawlada Federalka iyo Deegaankaba.

Waxaa isna ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada kaasoo ka warbixiya warbixinta waxqabadka jaaliyada iyo Taageeradooda ku aadan Go'aamadii ka soo baxay Shirwaynihii 8aad ee XDSHI iyadoona ay tilmaameen in si la mida Qishaha xukuumada dhanka biyaha ee 1-5 ku salaysan ay jaaliyad ahaan 1-5 madaxwaynaha Deegaanka mudane Cabdi Mxamuud Cumar ayidsan yihiin.

isku soo wada soohoo Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Qurbajoog lagu qiyaasay in ka badan 300 ayaa ay ujeedadiisu ahayd taageerada shirwaynihii Xisbiga Go'aanadii ka soo baxay iyo barbar istaagida hawlaha Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Jihooyinka Siyaasadeed ee Xisbiga talada deegaanka haya.