Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Hogaaminta Sare Ah Oo Kabilaabanaya Kulliyada Adeega Shacabka Ee DDSI.

Jigjiga(CN) Isniin.03.Nov.2014, tababarkan loo qabanayo qaybaha kala duwan ee hogaaminta ayaa lagu qaadan doonaa khibrado kala duwan oo ay kamid yihiin shaqooyinkii, caqabadihii, dhibaatooyinkii iyo isbadaladii lasoo maray kadib mileniyamka Itoobiya (2000) iyo intii ka horaysay.

Tababarkan oo lafilayo inuu socdo muddo todobaad ah ayaa aad looga hadli doonaa shaqooyinka iyo isbadaladii laqabtay 2000 kadib ee horumarka iyo nabadgalyada maanta lagu gaadhay iyadoo sidoo kalena la milicsan doono marxaladihii ka horeeyay millenniumka.

Tababarkan oo ka dhacaya xarunta aadka loo balaadhiyay ee kulliyada adeega shacabka (Macadka Maaraynta) ee DDSI ayaa sidoo kale waxaa macluumaadka kasoo baxa loo dhaadhicin doonaa degmooyinka, magaalooyinka iyo gobolada deegaanka.