Maayarka Maamulka Magaalada Jigjiga oo Warbaahinta Deegaanka u Sheegay Hirgalinta Qorshayaal Tayosare oo Kor Loogu Qaadayo Muuqaalka Bilicda iyo Baaxada Caasimada Deegaanka ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga (CN) Isniin Nov-03-2014. Maayarka maamulka magaalada jigjiga mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi ayaa maanta xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka isagoona ka warbixiyay qorshayaal muhiim ah, oo kor loogu qaadayo bilicda iyo Muuqaalka Magaalanimo ee caasimada deegaanka islamarkaana ku daray in todobaadyadii ugu danbeeyay uu xafiisku ku hawlanaa dayactirka wadooyinka,dhismayaasha buundooyinka la isaga talaabo iyo Xidhiidhka qaybaha bulshada ku dhaqan Magaalada Jigjiga.

Sidoo kale Maayarka magaalada mudane Cabdirisaaq Saxane  ayaa ka warbixiyay taariikhdii iyo marxaladihii kala duduwanaa ee ay soo martay magaalada jigjiga wuxuuna sheegay in ay soo martay kaacaa kuf badan islamarkaana xiliyada qaar ay magaaladu ka aradnayd guud ahaan dhinacyada horumarka aasaasiga ah iyo muuqaalka magaalanimo oo uusan habayaraatee wax horumar lataaban karo uusan ka jirin.

Maayarka oo warbixintiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in sanadihii ugu danbeeyay ee ay jirtay xukuumada maanta talada deegaanka haysaa markii Diirada saartay kor uqaadida Bilicda iyo Dhismayaasha magaalanimosi ay magaalooyinka waawayn ee DFI iyo Gobolkaba ula tartanto una dajisay qorshayaal lagu horumarinayo magaalada ay marba marka ka danbaysa si xawliya kor ugu soo kacaysay bilicda iyo baaxada magaalada jijiga ee caasimada u ah deegaanka.taasoo keentay ayuu yidhi maayarku in ay la tartanto caasimadaha deegaanada kale qaarkooda ay xawli ku dhaaftay kana horaysaba.

Dhanka kale Maayarka ayaa warbaahinta u sheegay in ay hada jiraan qorshayaal cusub oo loo dejiyay sanad-miisaaniyadeedkan 2007.T.T.I in lagu horumarinay caasimada deegaanka kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwa lagu mataanaynayo qaar ka mid ah caasimadaha aduunka ka jira sida magaalada caasimada u ah dalka Turkiga ee Istanbuul iyo magaalda Dubai. Qorshayaashaasina hirgalintoodiina lagu hawlan yahay wakhtixaadirkana ay meel fiican marayaan.

Waxaa kale oo uu maayarku ka warbixiyay fursadaha maalgashi ee ka jira xarunta deegaanka ee jigjiga isaga oo ugu baaqay qurba joogta u dhalatay deegaanka iyo cidkasta oo doonaysa in ay maalgashi ka samaystado xarunta deegaanka ee jigjiga in ay xukuumadu si fiican u soo dhawaynayo maadaamo oo ay caasimdu leedahay dhul aad u baaxad wayn oo ku haboon maalgashiga.

Mudane C/risaaq Saxane ayaa waxa uu ka waramay maayorku u diyaar garowga xuska todobaadka magaalooyinka oo sanadkan lagu xusayo ismaamulka magaalada deridhaba taasi oo uu ahmiyada balaadhan u leeyahay ka qaybgalkiisu guud ahaanba magaalooyinka deegaanka gaar ahaan caasimada jigjiga maadaamo oo ay is kugu imanayaan caasimada deegaanada, taasi oo lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashi iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga ay magaalo walba hodanka ku tahay. Wuxuuna sheegay in ay si meeqaam sare ah ugu diyaar garoobeen ka qaybgalka xuskaasi