Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflad Balaadhan Oo Lagusoo Gunaanadayay Tababarkii Hogaaminta Sare Ayaa Xalay Kadhacday Barxada Wayn Ee Qaryaan Dhoodaan.

Jigjiga(CN) Isniin.10.Nov.2014, Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa fiidnimadii xalay kadhacday barxada wayn ee Qaryaan Dhoodaan. Xafladan oo lagusoo afjarayay tababar toddobaadkan hogaaminta sare uga socday Kulliyada Adeega Shacabka iyo Maaraynta ee DDSI ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxwayne Kuxigeenada DDSI, qaybaha kala duwan ee hogaaminta sare, hobolada hidaha iyo dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Xafladan ayaa looga gol lahaa dhamaystirka tababar u socday hogaaminta sare toddobaadkan kaasoo lagu kobcinayay garaadkooda ku aadan macluumaad isugu jiray isbadalkii iyo marxaladihii uu deegaanku soo maray, caqabadihii lala kulmay, siyaabihii looga gudbay, shaqooyinka iyo guulaha lagaadhay, iyo shuruucda iyo nidaamka deegaanka iyo dalka u yaala.

Sida ay sheegeen qaar kamida hogaaminta sare ee tababarkaas qaatay ayaa CakaaraNews ugu waramay in ay khibrado badan ka faaiideen oo ah dhanka fahanka iyo garaadkooda siyaasadeed iyo kan aqooneedba macluumaad badan oo dhaxal gal ah, kuwaas oo ay ku qaadanayeen dood iyo falanqayn casharada kadib.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay xaflada ayaa hogaaminta u sheegay in tababarkani uu yahay qaybtii koobaad islamarkaana uu jirayo mid labaad oo loo gudbinayo qaabdhismeedka kale ee gobolada iyo degmooyinka deegaanka. Wuxuuna Madaxwaynuhu ku dar daarmay in dhamaanba hogaamintu ay xil iska saaraan dadaalka dheer ee lagu hiigsanayo sidii shacabka deegaanku ku gaadhi lahaa horumar waara.

Sidoo Kale Madaxwayne Kuxigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada Mudane Mowliid Haayir ayaa sheegay in macluumaadka iyo khibradihii kasoo baxay tababarkaasi lagu keydinayo dikumiinti qoraal ah si uu dhaxal gal ugunoqdo jiilka iyo shacabka deegaanka.