Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflad Ay Si Wayn u Soo Agaasimeen Ururka Dhalinyarada Sedyo-Sweden oo Lagu Taageeray Go'aanadii XDSHSI ee Shirwaynihii Fiiq oo Ka Dhacday göteborg.

göteborg(CN) Isniin.10.Nov.2014. Waxaa ka dhacday caasimada 2aad ee Dalka Sweden Magaalada göteborg xaflad si heer sare ah ay u soo agaasimeen Ururka dhalinyarada DDSI ee SEDYO taasoo lagu taageeray Go'aanadii dhaxalgalka ahaa ee ka soo baxay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI uu ku yeeshay dhawaan Xarunta Gobolka Nogob ee magaalada Fiiq. Munaasabadan ayaa ay ka soo qaybgaleen Qaybaha Qurbajoogta ku dhaqan Sweden Sida Hogaaminta dhaqanka, culumaaudiinka, Aqoonyahanka, Xubnaha Ururka Sedyo-Sweden.

Xafladan oo aayado quraan ah lagu furay ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Sedyo-Sweden Mudane Maxamed Xasan(Huways) isagoona faahfaahin dheer ka bixiyay heerka waxqabadka XDSHSI iyo Xukuumada maantu ay ka taabogaliyeen 4tii sano ee ugu Danbaysay siiba Dhinacyada Horumarka aasaasiga ah,Nabadgalyada, Maamulka Saxar-tiran, Maalgashiga iyo Xidhiidhka Qurbajoogta.Sidoo kalana xukuumada maanta ayaa ka warhaynta shacabkeeda dal iyo Dibadba Socdaalo dhaadheer u gashay islamarkaana hadba baahiyaha shacabka si degdeg ah ugaga jawaabta taasoo ay xukuumada maantu lagama maarmaan u aragtay in Bulshada Deegaanku u baahan yihiin sidii looga haqabtiri lahaa Biyo Nadiif ah ayuu yidhi Huways.

Mudane Huways ayaa dhamaan Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku baahsan Dunida gaar ahaan Qurbajoogta Sweden iyo nawaaxigeeda ugu baaqay in looga baahan yahay Qof kasta doorkiisa ku aadan ka qaybqaadashada Horumarka, N/galyada, Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba.Sidoo Kalana Isagoo ku hadlaya Magaca ururka Dhambaal Diiran oo Taageero ah u Diray Gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka Baarlamanka mudane Maxamed Rashiid Isaaq iyo G/ku-xigeenka ahna Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Mxamuud Cumar

Dhanka kale Waxaa Khadka Telefoonka kagala qaybqaatay Xafladan Madaxa Xarunta Dhexe Mudane Cabdi Casiis Maxamed oo leh awooda madaxwaynu kuxigeen isagoona ugu horayn uga mahadceliyay dadaalka iyo iskuduubnida ay Dhalinyarada Sedyo-Sweden u horseeday Shacabka iyo Qurbajoogta islamarkaana ay u joogteeyeen kala warqaadashada,isla socodsiinta xaalada deegaanku ku sugan yahay iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay Xisbiga iyo Xukuumadaba la leeyihiin.

Mudane C/casiis ayaa ka faalooday sooyaalkii uu Deegaanku soo maray iyo hagardaamooyinkii iyo xaqiraadii ay dhaxalsiiyeen talsyadii Cadaadiska ku dhisnaa ee Minilik,X/selase iyo Dhiigyacabkii Mingistu balse waxaa ka dulqaaday Guud ahaan Qowmiyadaha Itoobiya Dhiigyacabkii Mingiste H/mariam Ururka EPRDF oo Halgan Dheer oo ay Dhiig badani ku daatay xukunkii kaga tuureen Ginbot,20 sanadkii 1983.T.T.I xiligaasoo Waa Cusub u baryay Dhamaan Qowmiyadihii la cadaadin jiray oo helay Aqoonsi Qowmiyadeed,Isxaqdhawr,Xoriyada xuquuqaha dastuuriga ah iyo Dastuur sugay xuquuqihii oo lagu dhistay Dawlad wadaag ah.

Xukuumadihii Deegaanka soo maray ayaanan sidii la rabay ugaga faaiidayn shacabweynaha Soomaalida ee ay ka sii muuqatay Diiftii iyo Dibudhacii ay ka dhaxleen talskii mingistu kuwaasoo ahaa xukuumado fadhiid ah,aaminsanaa aragtiyo kala duduwan kuna mashquulsanaa danahooda gaarka ah(danaysi) islamarkaana aan dheg jalaq usiinin Daranyada iyo Baahiyaha Nololeed ee ay shacabku tebayeen ayuu Yidhi. XDSHSI iyo Xukuumada maanta ayaa markii ugu horaysay hoos u eegay baahiyaha nololeed ee Shacabka islamarkaana durba ka jawaabay Baahidoodii si ficil ah iyadoona muhiimada 1aad,2aad,3aad iyo 4aadba la siiyay helida biyo nadiif ah lagana gun gaadhay Biyaha dhulka hoostiisa ku jira Deegaano Quus laga taagnaa sida Xarshin,Dhulka Ciida loo Yaqaan,Marsin iyo meeshii kula baxday oonka iyo Omaska habaar waalid oo loo bixiyay Duco waalid.

Mudane C/casiis ayaa ka warbixiyay horumarka laga gaadhay Dhinacyada waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Beeraha, Fursadaha shaqo abuurka,Isgaadhsiinta,Jidadka,Laydhka iyo Barnaamijka dibudejinta ee loogu talogalay la dagaalanka saboolnimada si damaanada cuntada loo sugo ayuu Ydhi. Madaxa Xarunta dhexe ayaa intaa ku daray in Qurbajoogtu ay door muuqda ku leeyihiin Horumarka Deegaanka kana samaysteen Maalgashi furado shaqo u abuuray Shacabka loona baahan yahay in la sii balaadhiyo ayuu yidhi.

Waxaa iyaguna ka hadlay Qaar ka mida martisharafta oo wakiilo ka ahaa Jaaliyadaha Soomaalida Puntland iyo Jubaland oo ay ka kala socdeen Mudane Iimaan C/qaadir iyo Mudane C/raxmaan Ugas C/laahi Cabaas,Xaawo galimays,Istaahil iyo Nabadoon barda-cad iyagoona dhamaantood qiray Horumarka,N/galyada iyo Maamulka suuban ee ay Xukuumada iyo XDSHSI ku talaabsadeen Sanadihii ugu danbeeyay iyagoona ka mahadceliyay Fursadaha waxbarasho ee ay DDSI iiso ardayda puntland iyo xidhiidhka walaalnimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya maamulada.

Ugu danbayntii ayaa mahadcelin balaadhan looga soo jeediyay Xubnihii soo agaasimay xafladan Qiimaha badnayd ee ka dhacday caasimada labaad ee göteborg.