Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir Lagu Taageeray Go'aanadii Shirwaynhii 8aad ee XDSHSI iyo Waxqabadka XukuumadaDDSI Oo Ka Dhacay Denmark Magaalada Aarhus

Aarhus-Denmark(CN), Shir Taariikhi ah oon Noociisa oo kale Hore uusan ka dhicin Denmark oo lagu Taageeray Go’aamadii kasoo Baxay Shirwaynihii 8aad ee XDSHSI ee kadhacay Xarunta Gobolka NOGOB Magaalada FIIQ & Guud ahaanba waxqabadkii Xukuumada DDSi uu Hogaanka u hayo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka dacay Denmark Magaalada Aarhus iyadoona ay Shirkan ay kasoo qayb galeen Jaaliyadda DDSi,Dhalnyarada Sedyo-Denmark,Waxgaradka iyo marti sharaf ka kala socotay Deegaanada DFI.

Xafladan Quruxda Badan Ayaa Agaasinkeeda iska lahaayeen Ururka SEDYO Denmark Waxaa kasoo Qayb Galay dhamaanba Qaybaha kaladuwan ee Bulshada DDSI, Siyaasitiinta & Dhamaan Jaaliyadaha aan Walaalaha Ee Nahay Ee ETHIOPIA.

Shirkan ayaa lagusoo bandhigay Waxqabadkii Xisbiga Talada Haya Ee Afartii Sano Ee udanbaysay oo maqal iyo muuqaal ah taasooy dhamaan kasoo Qayb Galaayaashii Uriyaaqeen, isbadalka Baaxadaas leh ee Xukuumadu DDSI ku talaabsatay wakhtigaas kooban ee ay Talada deegaanka haysay.

Sidoo kale Munaasabadan ayaa lagaga warbixiyay dadaalada, Qorshayaasha iyo isbedelada dhaqan,dhaqaale iyo horumarineed ee uu XDSHSI ee talada Deegaanka hayaa ka taabogaliyay Guud ahaan 9ka Gobol,68da Degmo iyo 4ta maamul Magaalo iyadoona ay taageero buuxda iyo hambalyo u soo direen Go'aanadii ka soo baxay Shirwaynihii 8aad ee Xisbiga ee ka dhacay Fiiq. Waxay Bogaadin iyo tahniyad u soo direen Jaaliyada Denmarka Ciidamada geesiyiinta ah ee Liyuupolice siada ay Nabada u sugeen islamarkaana ugu guntadeen ka shaqaynta hawlaha horumarka Shacabka. 

Xafladan Ayaa ayaa Waxaa isku dhabarjabiyay isku-dubaridkeedii gudiga qabanqaabada Dhalinyarada SEDYO Denmarka iyadoona ay Ururka Dhalinyarada Sedyo-Denmark iyo Qaybaha Qurbajoogta ka soo jeeda Deegaanka ee goobta ku sugnaa ay balanqaadeen in ay ka soo bixi doonaan oorka kaga aadan Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban islamarkaana garab istaagi doonaan Jihooyinka Waxqabadka Xisbiga. Dadkii ka haday Munaasabada iyo Dhalinyaradii soo Agaasintay ayaa ka mid Ah Magacyada Xaga Hoose ku Qoran oo kala Ah jihaan Cabdullaahi Baynax iyo dhlinyarada kale oo kala ah

1. Fatxi Ilkacas

2. Naji Ilkacas 3.Sadaad xassan 4.Kamalidun Hersi 5.Abdifattah Qoraxey 6. Hussein Adan 7.Mohamed Adam

8. Mustafe mowlid 9.Sayid Abdiwahaab 10. Saleeban 11.Abdi samad 12.Guleed Axhmed 13.Jihaan beynah 14. Ifraah Mowlid 15.Terrik adam 16. Ubax/Ahlaam Jarato. 17. Fartuun Ibrahim 18. Hani Ahmed