Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dowlada Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI oo Tababar u Qabtay hawl-wadeenaha Xidhiidhka Dadwaynaha u Qaabilsan Xafiisyada Heer Deegaan Sheegayna.

Jigjiga(CN) Arbaco Nov-12-2014. Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dowlada Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI Ayaa sheegay in xidhiidhku dadwaynuhu door muhiim ah ka ciyaarayo horumarka iyo Muuqalka wanaagsan Ee deegaanka Dhanka kale Xafiska Xidiidhka arimaha Dowlada Dhaqanka iyo Dalxiiska Ayaa tababar kor loogu qaadayo Aqoonta xirfadeed ee hawl-wadeenada Xidhiidhka dadwaynaha ee xafiisyada Heer-deegaan uqabtay waxaana ka qayb galayaasha lagu barayay cashiro la xidhiidha shaqooyinka la xidhiidha adeegbixinta shacabka ee ay qabtaan Xubnaha Xidhiidhka dadwaynaha u qaabilsan xafiisyada Heer deegan taasi oo lagu kobcinayo awooda Fulineed Ee xubnahan si looga soo dhalaalo adeeg-bixinta maamulka suuban iyo iskuxidhka shacabka iyo laamaha xukuumada.

Wasiirka Xafiiska Xidhiidhka arimaha Dowlada Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI engineer Idiris Ismaacil cabdi Oo tababarkani furay ayaa sheegay in xidhiidhka Dadwaynuhu uu door muhiim ah ka qaadanayo Horumarka,maamulka suuban,n/galyada iyo isbedelada baaxada wayn ee sida xawliga ah uu deegaanku ugu talaabsaday 4tii sano ee ugu danbaysay.

Masuulka ayaa intaa ku daray In Dowlada Deegaanka soomalida itoobiya ay Sanadihii udanbaysay natiijo fiican ka keentay Abuurida Xidhiidhka Dadwaynaha Ee Gudaha iyo Dibadaba wuxuuna wasiirku kula dardaarmay tababarta yaasha inay ka faa`iidaystaan tababarkani oo muhiim u ah shaqooyinka ay bulshada uhayaan .

Tababarkan oo socon doona mudo 3 maal mood ah ayaa waxay ka qayb galayaashu ku baranayaan cashiro ay kamid yihiin shaqooyinka iyo waajibaadka Xidhiidhka Dadwaynaha, diyaarinta Qorsheyaasha Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Maamulka Suuban waxaana cashirada ka bixinaya Khabiiro ka hawl gala xafiiska