Adeega Isticmaalka Xawaaraha 3G ee Internetka oo Jigjiga Lagu Kordhiyay.

Jigjiga(CN) Arbaco Nov,12,2014. Sida uu noo sheegay ku-xigeenka Wasaarada Horumarinta magaalooyinka DDSI mudane Axmed Shukri waxaa isticmaalka Mobilada loo isticmaalo internetka lagu kordhiyay xawaaraha 3G oo ka awood badan kii hore loo isticmaali jiray oo ay macaamiishu ka calaacali jireen taagdarada ama culayska internetka.

Mar aanu la xidhiidhnay maareeyaha isgaadhsiinta laanta jigjiga ayaa waxa uu noo sheegay in Qorshaha casriyaynta isgaadhsiinta Deegaanka loo soo saaray qorshayaal lagu horumarinayo Sanadkan dhanka isgaadhsiinta iyo isticmaalka internetka,islamarkaana magaalada jigjiga oo ka mida magaalooyinka ugu badan dalka isticmaalka isgaadhsiinta noocyadeeda lagu kordhiyay adeega internetka ee xawaaraha dheer loona yaqaan 3g kaasoo ilaa maanta hawada loo sii daayay balse maalmahan la diiwaangalinayo numbarada qof kasta oo doonaya kordhinta adeega Internetka 3g,Sidoo kalana qorshuhu yahay in sanadkan laga hirgaliyo ama la gaadhsiiyo caasimadaha 9ka Gobol ayuu yidhi.

Dad badan ayaa maanta magaalada jigjiga ayaa aad ugu fooraray Mobileda oo la yabaanaa Degdega ama durba-dalaqda internetka oo lahaa waa nasri eebe noo soo diray lana yaabanaa waxa isbedelay.