M/wayne Kuxigeenka DDSI Marwo Sucaad Axmed Faarax Oo Maanta Magacaabis Cusub Soosaartay.

Jgjiga(CN) Khamiis.13.Nov.2014, War hada naga soo gaadhay xarunta madaxtooyada ee DDSI ayaa xaqiijinaya in madaxwayne kuxigeenada ahna wasiirka madaxtooyada marwo Sucaad Axmed ay soo saartay warqadaha magacaabis cusub oo kasoo baxday xaruntaasi madaxtooyada.

Waxaana kamida magacaabistan cusub xubnaha ay magacdoodu hoos ku xusan yihiin:

1. Faadumo C/laahi Takhal- Madaxa xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS-ka ee DDSI.

2. Mudane Nimcaan Cabdi Oboles- Maareeyaha shirkada jidadka ee DDSI.

3. Mudane C/xaliim Axmed Ismaaciil- Wasiir kux/xafiiska hor. kheyraadka biyaha ee DDSI.

4. Mudane Baashe Cabdi Mubaarik-  Wasiir kux/xaf/xidhiidhka arim. dowlada, dhaq. iyo dalxiiska ee DDSI.

5. Mudane Cabdiraxmaan Curaagte-  Wasiir kux/xaf/kheyraadka biyaha ee DDSI.   

6. Mudane C/laahi Yusuf Weerar-    Maareeyaha kulliyada waxbarashada ee Abdimajid ee DDSI.

7. Mudane Maxamed Yarow Cismaan- Wasiirka Xafiiska Xuduudaha iyo xalinta khilaafaadka ee DDSI.

8. Mudane C/raxmaan Macalin Ilyaas (Bootaan)- Maareeyaha ururka horumarinta Soomaalida Itoobiya (UHSI).

9. Mudane C/fataax Warmooge Macalin-  Maareeye kuxigeenka labaad ee UHSI. 

10. Muadane Khadiir C/raxmaan Axmed- Lataliayaha X/Ganacasiga iyo Gaadiidka DDSI.

11. Mudane C/laahi Yuusuf C/wahaab- Lataliayaha X/Caafimaadka DDSI.

12. Mudane Maxamed Guure Bisle- Lataliye Wakaalada Dakhliga ee DDSI.

Mudane C/fataax Warmooge Macalin ayaan helin magacaabis dhanka dowlada ah halka uu mudane C/laahi Yuusuf Weerar uu helay warqad magacaabis ah oo xafiisyada dowlada ah maadaama aan xisbinimadii laga qaadin wakhtigii shirwaynaha halka mudane C/fataax laga qaaday xiligaasi. Taasina waxay sababtay in mudane C/fataax uu waayo magacaabista dhanka dowlada oo haatan loo magacaabay dhanka haayadaha gaar ahaan UHSI oo kuxigeen labaad looga dhigay.