Madaxwynaha DDSI Iyo Masuuliyiin Wehelinaysay Oo Maanta U Kicitimay Wadanka Shiinaha.

Jigjiga(CN) Jimce.14.Nov.2014, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah ayaa maanta u kicitimay wadanka Chinaha. Socdaalkan ayay ujeedadiisu tahay istaratijiyadaha horumarineed ee DDSI iyo guud ahaanba dalka.

Ma aha markii ugu horaysay ee uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyinta kale ee deegaanku ay socdaalo ku gaadhaan wadanka dibadiisa. Balse waxaa xusid mudan in uu madaxwayne Cabdi Maxamuud uu socdaalo taariikhi ah ku maray shanta qaaradood ee caalamka, kuwaas oo uu madaxwaynuhu guulo iyo isbadalo horumarineed kasoo hoyiyay dhinacyada horumarka iyo nabadgalyada gaar ahaan xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibad.

Kala soco CakaaraNews wararka socdaalka madaxwaynaha oo aan dib idin kasoo gudbin doono.