Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xuska Tartanka Todobaadka Magaalooyinka Dalka oo Sanakan Lagu Qabtay Diredawa iyo Madaxwaynaha DFI Dr Mulatu oo Furay.

Dire-Dawa(CN) Sabti Nov-15-2014.Waxaa sanadkiiba lagu qabtaa mid ka mida magaalooyinka waawayn ee Deegaanada 2da ismaamul xuska todobaadka magaalooyinka oo ay ka qayb galaan dhamaanba magalooyinka waawayn ee ka jira 9ka Deegaan iyo 2da ismaamul ee Addis ababa iyo Dire-dawa iyadoona markii 6aad xuska todobaadka magaalooyinka sanadkan uu ka dhacay Magaalada Diredawa.

Madaxwaynaha jamhuuriyada Federalka Itoobiya Dr Mulatu Tashome ayaa si rasmi ah maanta u furay Xuska Todobaadka magaalooyinka waawayn ee Dalka oo socon doona 6da Bisha ilaa 13keeda oo ku beegan maalinta todobaadka uu xusku soconayo. Xuskan ayaa ay ka soo qaybgaleen sanadkan in ka badan 170 Magaalo iyo 16 shirkadood iyadoona Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay sanadkan uga qaybgaleen 14 magaalo oo ay 7 ka mida ku jiraan magaalooyinka tartanka sanadkan ka qaybgalaya.waftiga Masuuliyiinta hogaaminayay 14ka magaalo ee DDSI ayaa ayaa uu hogaaminayay wasiir kuxigeenka Wasaarada Horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shukri oo ay wehelinayeen Mayorka maamulka magaalada jigjiga ahna Komishineerka Boliska DDSI Mudane C/risaaq Saxane,Mayorka maamulka magaalada Dh/buur mudane Suldaan Khayre,mayorka Maamulka Magaalada Godey Mudane Guuleed Sh.Cabdi iyo Mayorka Maamulka Magaalada Qabridahare Mudane cabdi.

Sidaynu wada ogsoonahay Deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa 4tii sano ee ugu danbaysay ku talaabsatay Horumarinta magaalooyinka iyadoona hada ka hor ay jirtay hal Maamul Magaalo oo ahayd Jigjiga balse lagu biiriyay 3 Maamul Magaalo oo kale kuwaasoo kala ah Jigjiga,Dh/buur,Q/dahar iyo Godey. Guud ahaan Magaalooyinka Caasimadaha u ah 9ka Gobol oo ay 4ta Maamul Magaalo ka mid yihiin ayaa laa taabo galiyay Dhamaanba adeegyada iyo Kaabayaasha Dhaqaaale ee aasaaska u ah Horumarinta magaalooyinka sidoo kale Dhinaca maalgashiga,warshadaha,fursadaha Shaqo Abuurka,Goglida dhagaxa Qoran iyo kor u qaadida bilicda iyo Quruxda Magaalooyinkeeda.

Tartankan ayaa ay sanadkan ku tartami doonaan 170ka magaalo waxyaabaha iyo isbedelada horumarineed ee ay ku talaabsadeen,heerka shaqo abuurka, baaxada maalgashiga, Xirfadaha gaarka loo leeyahay, warshadaha, Bilicda,Nadaafada iyo Quruxda Magaalooyinka. Shaki kuma jiro magaalada Jigjiga in sanadkan ay safka hore ka gali doonto Sanadkan dhamaana shuruudaha tartanka baro dheer tahay sida Meles Memorial Referal Hospital oo ah ka ugu wayn Bariga afrika,Garaad Wiil-waal Int Airport,horumarka cagaaran,Cobble-stone.sidoo kale magaalada Dh/buur ayaa ka sakow horumarka iyo Shaqo abuurka ka jira laga hirgaliyay laydhka cadceeda ku shaqeeya(Solar System) oo ah kii ugu horeeyay ee Geeska Afrika.

Magaalada qabridahar ayaa laga hirgaliyay Gagi diyaaradeed oo heer Caalami ah,Dhagaxa Qoran,Maalgashi badhan,Kuliyado islamarkaana kor loo qaaday Dhismayaasha wadooyinka,dhiraynta iyo Bilicdamagaalada.Sidoo kalana Magaalada Godey ayaa uu ku yaalaa garoonka Diyaaradaha 2aad ee Dalka,Idaacad,wadooyin laami ah,kuwa dhagaxa Qoran,Dhismayaasha Dawlada ugu badan,Waxsoosaarka Beeraha,noocyada khudaarta,isaashatooyin iyo Qoysas shaqo abuur loo sameeyay,noocyada Maalgashiga oo ilaa shirkado heer caalami ah,3 Kuliyadood iyo Biyo-xidheenka ugu wayn dhanka waxsoosaarka Beeraha.

Dhanka kale inta uu socdo todobaadka Xuska tartanka magaalooyinka dalka ayaa waxaa kaloo jira dood Cilmiyeedyo,bandhig Carweed(bazzar)iyo Waxsoosarka,warshadaha iyo waxyaabaha horumarineed ee gaarka ay deegaanadu u leeyihiin oo lagu soo bandhigi doono.

Isku soo wada soohoo maanta ayuu xuska todobaadka magaalooyinku si rasmi ah uga furmay Diredawa iyadoona ay magaalada Jigjiga ku jirto magaalooyinka ugu horeeya ee u tartamaya in Xuska 7aad ay marti galiyaan kaasoo ku beegan 2sano ka dib.