Qaybtii Labaad Ee Tababarka Hogaaminta Oo Gobolka Jarar Iyo Gobolada Kale Deegaankaba Kasocda.

Dhagaxbuur(CN) Axad.16.Nov.2014, Sida aad lasocoteen waxaa toddobaadkii hore lasoo gabagabeeyay tababar hogaaminta sare ah oo uga socday kulliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI. kaasoo ay hogaamintu ku qaadanaysay macluumaad balaadhnaa oo xisbiga iyo isbadalka deegaanka ah waxaana laga soo saaray dikumintiyo lagu keydiyay casharadii laqaatay iyo doodihii laga sameeyay.

Hadaba Tababarkaas sare ayuu qorshuhu ahaa in loo dhaadhiciyo hogaaminta kala duwan ee gobolada iyo degmooyinka deegaanka si ay dhamaan hogaamintu fahan midaysan uga yeeshaan isbadalkii lasoo maray iyo nidaamka xisbinimo oo ah sabata maanta lagu gaadhay isbadalkan.

Xarunta gobolka Jarar ee magaalada Dhagaxbuur ayaa waxaa saaka bilaabmay tababarkaasi hogaaminta waxaana furay madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi oo isagu gobolka Jarar u qaabilsanaa dhaadhicinta awaamiirtii iyo macluumaadkii kasoo baxay tababarkii hore kadib markii xubnihii hogaaminta sare ee xisbigu ay gobolada isu qaybiyeen.

Waxaana sidoo kale tababarkan hogaaminta loo sii dhaadhicin doonaa ilaa heer tuulo iyadoo dikumiintiyo ra'yi badan xambaarsan lagu kaydiyay macluumaadkii tababarkii sare ee Jigjiga.

Arintan oo ah dadaalka xisbiga ayaa dhaxal gal u noqonaysa xoojinta fahan midaysan oo shacabka deegaanka ah kaasoo ku aadan horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

Kala soco cakaaraNews faahfaahinta wararka danbe ee naga soo gaadha tababarada hogaaminta sare ee kasocda gobolada deegaanka.