Madaxweyne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Madaxtooyada DDSI Marwo Sucaad Ayaa Gagida Caalamiga ah Ee Garaad Wiil-Waal Kusoo Dhawaysay Wufuud Ka Socday Hay'adaha USAID iyo Rescue.

Jigjiga(CN) Arbaco Nov-19-2014.Waxaa ay Madaxwayne ku-xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyada DDSI Marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay wehelinayeen Wasiirada Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI Marwo Fartuun Cabdi Mahdi ayaa Garoonka Diyaaradaha caalmaiga ah ee Garaad Wiil-Waal International Airport si diiran ugu soo dhaween wafti Uu horkacayay Agaasimaha Hay'ada USAID u fadhiya MR Danes Welar .

Soo dhawayntii ka dib ayaa ay waftiga iyo Madaxwayne Kuxigeenka Marwo Sucaad ay Qolka nasashada Garoonka kaga warameen Booqashadooda iyo Mashaariicaha horumarineed ee ay maalgalisay USAID lagana hirgaliyay Deegaanka. intaa kadibna waxaa uu waftiga oo ay Hogaaminayso marwo Sucaad oo ay wehelinayso Marwo Fartuun u sii gadhqaadeen Waftiga Dhismaha ceel riig ah oo hay'ada Rescue ay ka Fulisay Tuulada Gubadley oo ka tirsan santarka Gaba-gabo oo hoos tagta maamulka Degmada Tuli Guleed ee Gobolka Faafan.

Waxaana hirgalinta Mashruucani si wada jira iskaga kaashaday hay'adda Rescue iyo USAID kuwaasoo bah- wadaag la ah xafiiska Horumarinta khayraadka biyaha DDSI maadaama xafiisku dadaalo xoogan ugu jiro sidii Bulshada deegaanka soomaalida uu uga saari lahaa Oomanaha una helaan biyo nadiif ah si looga midho Dhaliyo istiraatijiyadaha Dhinaca Biyaha ee Deegaanka u yaala.

Ceelkan Biyaha oo ah mid la dhamaystiray lagana gaadhay biyaha gunta hoose ku jira ayaa ahaa Ujeedooyinka ugu waawayn ee socdaalka madaxda USAID oo maalgalisay una soo marisay Deeqda lacageed ee lagu dhisay mashruuca Ceelka ha'ada RESCUE ee ka jirta DDSI waxaana si wada jir ah xadhiga uga jaray ceelkan wasiir Ku-xigeenka xafiiska Horumarinta Khayraadka biyaha DDSI Mudane C/xaliim Axmediyo Agaasimaha Hay`ada USAID Ee dalka itoobiya.

Mudane C/xaliim Axmed Ismaaciil ayaa mar uu ka hadlayay faaiidada uu Ceelkani u leeyahay Shacabka ku dhaqan Gubadlay iyo Duunyadaba kula dardaarmay in ay daryeelaan Ceelkan una samaystaan Bulshadu nidaam ay kaga faaiidaystaan Ceelkan oo ay Gudi u samaystaan iyadoona uu xafiisku marba la socon doono xaalada ceelku ku sugan yahay Wixii taageero iyo dayactir ahna la garab taagnaan doonaan ayuu yidhi.

Sidoo kale Agaasimaha Hay`adda USAID Ee Dalka Itoobiya Mr Danes Welar ayaa isaguna Tilmaamay inay Diyaar uyihiin in Dalka itoobiya gaar ahaan Deegaanka soomaalida Itoobiya ay kala Qayb qaataan Mashaariicaha Horumarineed Ee kala Duwan ee Deegaanka kasocda masuulka ayaa intaa ku daray oo yidhi markii hoolka nasashada ee garoonka diyaaradaha ee wiil waal aan isku xog waraysanaynay madaxweyne Ku xigeenka waxay isheegtay in Xukumada DDSI ay muhiimada 1aad 2aad 3aad 4aad 5aad Uqaadatay dhinaca Horumarinta Khayraadka biyaha anaguna aad ayaan diyaar ugu nahay inaan kala qayb qaadano mashaariicaha lagu Hormarinayo dhinaca biyaha Dhanka kale Qaar kamida Bulshada ku Dhaqan Tuulada gubadlay Ee degmada Tuli guleed ee ka faa`iidaysanaysa geelkani riiga ah ayaa sheegay inay aad ugu diirsadeen ceelkani sidii loogu talogalayna ay uga faa`iidaysan doonaan.

Isku soo wada xooriyoo xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI oo kaashanaya deeqbixiyayaasha iyo hay'adaha aan dawliga ahayn ee bahwadaagta la ah ayaa Sanadkiiba u dejiya Qorshayaal iyo daraasaad lagaga saaro bulshada ku baahsan Deegaanka iyo Duunyadaba lagaga haqab tirayo helid biyo nadiif ah.