Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Ku Saabsan Kor u Qaadida Ciidanka Horumarineed Ee Haweenka Iyo Dhalinyarada Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Hoolka Xafiiska Arimaha Haweenka DDSI.

Jigjiga(CN) Khamiis.20.Nov.2014, wasiirada arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe ayaa maanta usoo xidhay tababar mudo laba maalmooda ah u socday  haweenka  iyo dhalinyara ka socday 11 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka iyo 4 ismaamul magaalo.

Tababarkaa oo ay ujeedadiisu ahayd kor u qaadida iyo sii xoojinta ciidanka horumarineed ee haweenka iyo dhalinyarada DDSI oo si buuxda looga hirgalinayo dhamaan degmooyinka deegaanka iyo ismaamulada magaalooyinka. .

Waxaana  xidhitaankii tababarkaasi ka hadashay wasiirada haweenka caruurta iyo dhalinyarada DDSI marwo Raxma Maxamuud Haybe waxayna ka warbixisay istaraatijiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee ay xukuumadu dajisatay taasi oo ay sheegtay in ay hirgalintiisa leeyihiin dhalinyarada iyo haweenku waxayna si qoto dheer uga warantay qorshayaasha ku qotoma xidhmaha horumarinta haweenka iyo dhalinyarada.

Waxaa kale oo ay si mug leh uga warbixisay wasiiradu ahmiyada tababarka oo ay sheegtay in uu yahay qorshe  kor loogu qaadayo ciidanka horumarineed ee haweenka iyo dhalinyarada maadaamo oo ay yihiin laf dhabarta cududa horumarineed ee lagu tir tirayo saboolnimada iyo jahliga, tababarkana lagaadhsiin doono dhamaan degmooyinka deegaanka.

Waxayna wasiiradu ku boorisay ka soo qaybgalayaasha tababarkan in ay sidii loogu tala galay uga  faa’iidaystaan  casshiradii loo tabinayay mudadii uu u socday tababarku.

Dhankooda ka soo qaybgalayaashii tababrka aya dhamaantood hoosta ka xariiqay in mudadii uu tababarkani socday ka faa’iidaysteen aqoon durugsan taasi oo wax  uga faa’iidayn doona goobihii ay ka yimaadeen.